Sh Maxamed Cabdi Umal oo la dardaarmay Shacabka Soomaaliyeed (Masawiro)

June 19, 2014 - Written by Editor

Gabagabo (5)Boosaaso:-Iyadoo maalmihii la soo dhaafay uu Magaalda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari uu ku Sugnaa Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa waxa uu habeenkii 3aad oo xariira muxaadaro ka jeediyay Masjidka Al-Rowda ee Magalaadana Boosaaso,iyadoo Cinwaanka muxaadaradana uu ahaa Nasiixa Iyo Tawjiihaad caam ah oo loo jeedinayay Shacabka soomaaliyeed.Sheekha ayaa ugu horeynba waxa ku booriyay shacabka soomaaliyeed in ay gabi ahaantood ay illaah ka baqaan ayna raacaan wixii alle S.W usoo dajiyay iyo sunnada Nabbiga C.S.W markaasna ay Liibaanayaan.

Sidoo kale sheekha ayaa waxa uu ku dhiira galiyay Dadweynaha Soomaaliyeed ee muslimiinta ah inay bartaan shareecada islaamka ,iyadoona barashada diintuna ay tahay aas aaska liibaanteena aakhiro ,ayna noqon doonto mid aynu ka badbaadno maalinta Qiyaamaha. Sheekha ayaan waxa uu shaaca ka qaaday in Diinta Islaamka loo soo dajiyay in lagu maamulo dunidan aan dul saaranahay,ayna muhim tahay in ruuxa muslimka ah uu qaato ku dhaqanka sharaceecada islaamka uuna barto dadkuna uu baro,kuna maamulo hab dhaqanka wanaagsan ee ay leedahay Diinteena Islaamka.

Sidoo kale sheekhu waxa uu sheegay in Diinteena islaamka ay xilka naga wada saarantahay lana doonayo in qof walba uu kaalintiisa ka soo baxo,hadii ay ahaan lahayd shacabka iyo madax intuba,markii aanu xilkaasi gudano ayuu yiri sheekhu waxa uu alle naga yeelayaa kuwa ka badbaada cadaabtiisa.

Sheekh maxamed cabdi umal ayaa sidoo kale waxa uu ku amaanay mujtamaca soomaaliyeed inay yihiin kuwa isku naxariisata oo dhibaatada isaga kaalmeeya,wuxuuna sheegay in ficilkaasi wanaagsan uu yahay mid ay horey noogu sheegtay diinteena islaamka,wuxuuna sidoo kale sheekhu wax lagu farxo uu ku tilmaamay ifafaalaha wanaagsan ee hada uu dalka marayo iyo waliba sida wacan ee ay soomaalidu ugu dadaalayaan inay xaqa fahmaan oo ay xil iska saarayaan sidii fahamkooda shareecada islaamka uu ukordhi lahaa.

Ugu dambayntii muxaadarada sheekha ayaa waxa ugu baaqay shacabka soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay ugarab istaagi lahaayeen ififaalaha dawacdeed ee ka jira Dalka soomaaliya,wuxuuna sidoo kale uu ku booriyay inay noqdaan kuwa ka faa’ideysta waqtigooda qaaliga ah,iskuna dhiira galiyaan sidii ay ku hormarin lahaayeen dalka,wuxuuna sidoo kale uu sheekhu wax lagu xumaado uu ku tilmaamay aafada maanta ku habsatay dhalinta soomaaliyeed kuwaasi oo naftooda ku biimeynaya badaha iyagoo waxa ay naftooda u halaajinayaan ay tahay uhaajirida dhulka gaalada.

Muxaadaradii ka dib ayaa waxa uu sheekha su’aalo fara badan uga jawaabay dhageystayaashii ku taxanaaa dhageysiga muxaadaraadka sheekha oo habeenkii seddexaad galay,kuwaaasi oo kala socday inta badan Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah Ee Al-Xikma xarumaheeda kala duwan ay ku leedahay Deegaanada Puntland,waxayna su’aalaha uu ka jawaabayay sheekha ay ku saabsanayaan marxalado kala duwan oo ay ubaahnaayeen in dadweynaha laga jaahil bixiyo amaba looga jawaabo.

Intaasi ka dib waxa la soo Gunaaday Barnaamijkii Dacwiga ahaa ee sheekha umal uu ka dhex waday Deegaanada Puntland waxaana kalmada kooban la siiyay masuuliyiin badan oo goob joog u ahaa khatimka Barnaamijkaasi Dacwiga ahaa ee sh.Umal waxaana kalmada ugu horeysa lagu soo dhaweeyay Gudoomiya Mu’asasadda Kheyjriga ah ee Al-Minhaaj Sheekh Maxamed Maxamuud Ciise.

Ugu horeyn Sheekh Maxamed Maxamuud Ciise ayaa waxa uu mahad balaaran ujeediyay sheekha maxamed cabdi umal iyo dadaalkiisii dheeriga ahaa ee uu ku yimid Deegaano badan oo soomaaliya waxuuna sidoo kale umahad celiyay shacabka puntland sidii wacnaa ee ay sheekha ugu soo dhaweeyeen deeganaada Puntland iyo sidii ay uga faa’ideysteen Xamladiisii Dacwiga ahaa,sidoo kale waxa uu Gudoomiyaha uu umahad celiyay Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah Ee Al-Xikma juhdigii iyo dadaalkii dheeriga ahaa ay kusii deynayeen dhammaan muxaadarooyinka sheekha gaar ahaan dhammaan Socdaaladii uu ku marayay Deegaanada Puntland.

Sidoo kale Gudoomiyaha waxa uu ka warbixiyay Taariikh kooban oo ku saabsan Barnaamijkii Dacwiga ahaa ee uu sheekha ku marayay deegaanada Puntland ,isagoona soo bandhigay dhammaan Muwaadiicdii uu sheekha uu soo jeediyay iyo Goobaha uusoo maraya,iyo sidoo kale kulamadii gaakar ahaa ee uu la yeeshay Cuqaasha,Golaha Sharci dajinta Ee Dawlada Puntland iyo Ganacsatada.

Gudoomiya Mu’asasadda Kheyjriga ah ee Al-Minhaaj wuxuu mahad balaaran usoo jeediyay cidkasta oo ka qeyb qaadatey soo dhaweynta sheekha si gaar ah waxa uu ugu mahadceliyay Madaxda Dawlada Puntland iyo waliba ciidamada Puntland oo iyagu qaabilsanaa Amniga waxayna qeyb weyn ay ka ahaayeen hab usocodka Barnaamijkii Dacwiga ahaa ee sheekha Maxamed Cabdi umal intii uu ku sugnaa Deegaanada Puntland.

Ugu dambeyna waxa uu ka cudur daartey Gudoomiya Mu’asasadda Kheyjriga ah ee Al-Minhaaj Sheekh Maxamed Maxamuud Ciise Deegaano badan oo la damacsanaa in la gaarsiiyo Barnaamijka Dacwiga ahaa balse uu waqtigu uu saamixi waayay maadaama sheekha uu mudo ka badan seddex bilood uu safar kusoo jirey balse uu sheekhu ubalan qaaday in markale uu booqan doono deegaanadii uu waqtigu usaamixi waayay.

Intaasi ka dib waxaa kalmad kooban lagu soo dhaweeyay sheekh maxamed macallim axmed oo ka mid ahaa wafdigii culumada ahaa ee sheekha soo dhaweyntiisa qeyb weyn ka ahaa,iyadoona sheekha uu goob joog ka ahaa dhammaan safaradii uu sheekha Umal ku marayay Deegaanada Puntland,wuxuuna sheekha uga mahad celiyay juhdigii iyo dadaalkii dheeraa ee sheekh umal uu usoo horey inuu soo booqdo Mandiqada Punland iyo Barnaamijkiisii Dacwiga ahaa ee uu uga faa’ideeyay shacabka soomaaliyeed.

Sidoo kale sheekh maxamed Macallin uu mahad balaaran ujeediyay Madaxda sare ee Puntland oo ugu Horeeyo Madaxweynaha Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas dadaalkii ay ka qaateen soo dhaweynta iyo sugida Amniga sheekha iyadoona Wafdi gaar ah loo xilsaaray soo dhaweynta iyo la socoshada Arimaha Sheekha.

Intaasi kadib waxaa kalmad kooban isaguna qaatay Sheekh Axmed Cabdi samad oo isaguna qeyb ka ahaa wafdigii Horkacayay intuu sheekha joogay Deegaanada Puntland,waxuuna mahad balaaran isaguna uu ujeediyay cidkasta oo ka qeybqaadatay soo dhaweynta sheekha,wuxuuna sheekha axmed uu xusay in hawsha uu waday sheekh umal ay ahayd mid loo wada dhammaa dhammaan madaxda deegaanadii uu tagay waaana shaqada ugu wanaagsan ee si wada jir ah loo qabto maadaama ay ahayd safari lagu gudbinayay Dacwada alle S.W.

Sheekha axmed cabdi samad ayaa ugu dambeyntii waxa uu ugu baaqay shacabka soomaaliyeed in ay ixtiraamaan Culumada maadaama ay yihiin ay marjica saxda ee loo laabanyo maadaama ay yihiin kuwa yaqaan kisaabka alle iyo Risaaladii Rasuulka C.S.W,wuxuuna sheegay in culumo badan ay rajeynayaa inay soo booqdaan deegaanada soomaaliya sida ay ugu faa’ideeyaan shacabka soomaaliyeed ee u ooman in laga haqabtiro arimo badan oo ku saabsan sharaceeda islaamka.

no images were found

Ugu dambeyntiinii waxaa kalmada gaaban la siiyay oo Barnaamijkii Dacwiga ahaa soo xiray Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin wuxuuna Beeldaajaha ugama mahad celiyay Dadaalkii iyo Waqtigii qaaliga ahaa ee uu sheekha umal ku bixiyay Barnaamijkii Dacwiga ahaa wuxuuna dadweynaha kula dardaarmay inay dhaqan galiyaan Duruustii ay ka faa’ideen ayna noqdaan kuwa qaata talooyinkii sheekha ayna ixtiraamaan culumada ayna ka qeybqaataan dawrka ay ku leeyihiin Dacwada.

Musasat Al-Minhaaj
Boosaaso
Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta muxaadarada caawa sheekha ka jeediyey Masjidka Al-Rowada oo ahayd dardaaran dahabi .

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online