Nadwo cilmiyeedkii Sanadlaha ahayd oo ka bilaabatay magaalada Gaakacyo

June 22, 2014 - Written by Editor

34Gaalkacyo: Habeenimadii xalay oo ku beegnayd 22- june -2014, ayaa waxaa ka bilowday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug Nadwado cilmiyeedkii sanadlaha ahayd, nadwadaan oo noqonaysa tii 6aad oo lagu qabto Magaalada Galkacyo . Nadwadaan ayaa lagu wadaa inta ay socoto lagu falaqayn doono mawaadiic muhiim ah oo taabanaya bulshada. Nadwadan ayaa waxa ka qayb galaya culumo udiin ay ka mid yihiin:-

1-Sheekh C/casiis shiikh Cali.

2-Sheekh Aadam Muxamed Cigaal.

3-Sheekh Muxamed Macalim Axmed.

4.Sheikh C/casiis Axmed Aadam.

Culumada ayaa inta ay nadwadu socoto soo jeedin doona canaawiin ay ka mid yihiin:-

• فضل العلم وآداب المعلم والمتعلم

• المعاصي وأثرها السيء في المجتمع

• إصلاح القلوب أهميته وعلاجه

• أحكام الصيام

• التوبة والرّجوع إلى الله مع الختام.

Xalay oo ahayd habeenkii 1aad ee nadwada ayaa Sheekh C/casiis shiikh Cali waxa uu soo jeediyay, mowduucii ugu horeeyay ee nadwada, oo ah Fadliga cilmiga iyo aadaabta looga baahan yahay macalinka iyo ardayga.

Ugu horayn shiikhu waxa uu aad ugu dheeraaday ka hadalka fadliga uu cilmigu leeyahay , isagoo soo qaatay adilo badan oo cadaynaysa fadliga cilmiga iyo barashadiisa.

Intaa ka dib shiikhu waxa uu aad uga hadlay aadaabta looga baahan yahay macalinka iyo ardayga. Nadwadan ayaa sida lagu wado socondoonta muda shan maalmood ah.

Mu’ssadda Minhaaj
Galkacyo.Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online