Dowradii Xagaaga oo ka bilaabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland[Masawiro]

June 23, 2014 - Written by Editor

DSC06154Garoowe:-Waxaa maantay  ka bilaabatay hoolka dugsiga sare ee Al-waaxa ee magaalada Garowe dowradii  xagaaga loo qaban jiray ardayda waxka barata dugsiyada  sare iyo macaahidda ku yaal caasimada Puntland ee Garoowe, Dowradaan oo ah tii 8aad oo ay qabato Mu,asasada Al minhaaj faraceeda gobolka Nugaal,  dowradaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay ay ardayda iyo Mu,asasadda dadaal ugu jireen diyaar garoow geeda.

Furitaanka Dowrada ayaa waxaa  maantay ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socotay dowladda Puntland iyo culima’aw diin caan ah iyo weliba maamulka Mu,asasada Al-minhaaj  waxaana ugu horayntiiba lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha gudiga fulinta alminhaaj Garowe Sh.Mukhtaar Axmed Faarax.

Gudoomiyaha ayaa qeexay dowrada iyo danta laga lee yahay iyo waliba in tay socon doonto  waxaana gudoomiye Mukhtaar sheegay mudada ay socon   doon to in ay dhan tahay 9 bari wuxuuna sidoo kale ku sheegay danta laga leeyahay in ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta jiilka mustaqbalka . Waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Qani Xaashi Cali  waxana gudoomiyuhu ka codsanday dhalinyarada in ay noqdaan kuwa ka faa iidaysta jaaniska ay heleen maantay oo ah mid qaali ah isagoo
ugu danbayn tii daahfuray dowrada oo ah Tii 8aad oo noo ceeda ah.

Waxaa isna goobta kahadlay Sh Axmed Cabdi samad  oo ku hadlayay magaca culimada waxaana sheekhu dardaaran qiimo badan u soo jeedshay ardayda waxaana uu xasuusiyay cabsida allah .Waxaa hadalka isna qaatay wasiir kii hore ee Maamul Wanaaga Mudane Maxamed Faarax Ciise Gaashaan waxaana uu dhalin yarada kala dardaarmay hooga tahriibta.

no images were found

Mu’ssat Minhaaj
Garowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online