Madoobe Nuunow oo ka horyimid heshiiskii ka dhacay Muqdisho

June 23, 2014 - Written by Editor

madoobeBaydhabo:-Madaxweynaha lixda Gobol ee Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow ayaa ka horyimid heshiis maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo lagu sheegay in uu ahaa gogol xaar maamul loogu magacdaray Maamulka Koonfur Galbeed oo loo sameeyey gobollada Sh/hoose, Bay iyo Bakool, heshiiskaas oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxda ugu saraysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madoobe Nuunow ayaa ku tilmaamay heshiiskaas mid laga xumaado oo la marin habaabiyey ayna u dhamayn dhinacyadii isku hayey maamulka Koonfur Galbeed isagoo sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ee Lixda Gobol ee uu hogaamiyo uusan raali ka ahayn heshiis kaas.

Madoobe Nuunow ayaa horay u tegay magaalada Muqdisho waxaan uu kulamo kale duwan la soo qaatay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya wallow shirarkaas aan saxaafaddu wax xog ah oo rasmi ah aysan ka hellin.

Dhinac kale Ergeyga gaarka ah dowladda Mareykanka u qaabilsan Arrimaha dalka Soomaaliya James P. McAnulty, ayaa dhinaciisa ka soo dhoweyey heshiiska ka dhacay Muqdisho wallow arrinkaas la saadaalinayo in ay tahay arrimo abuuri doona colaad dhex marta beelaha Soomaaliyeed oo isku qabsan doono deegaano ay wada degaan.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
June 2014
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online