Howlgalo ay ciidamada huwanta ka sameeyeen Kismaayo oo lagu soo qabtay hub

October 30, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ay maanta howlgalo ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Kismaayo waxayna gacanta ku soo dhigeen hub iyo miinooyin lagu aasay qeybo ka mid ah magaalada .

Ciidamada huwanta ee haatan ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa waxaa kale oo ay howlgalada ku soo qabteen dhowr qof  oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab waxayna ku soo xireen saldhiga Booliska ee magaalada Kismaayo.

Sarkaal ka tirsan Ururka Raaskambooni ayaa u xaqiijiyey  in maanta howlgaladii ay qaadeen ay ku soo qabteen dhowr qof oo lala xiriirinayo Ururka Al-Shabaab iyo  hub iyo miinooyin lagu aasay qeybo ka mid ah xaafadaha ay ka kooban tahay Kismaayo.

Dhanka kale Ganacsatada Dhuxusha ayaa waxay ka codsadeen Maamulka iyo Saraakiisha ciidamada huwanta in loo fasaxo in ay dhoofsadaan dhuxusha taala gudaha magaalada Kismaayo si aysan u khasaarin.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online