Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan

October 2, 2012 - Written by

Hiiraan:-Madaxweynaha DFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta socdaal booqasho ah ku tahay magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan.Madaxweynaha iyo wafdigiisa  ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha ciidamada DFS  , AMISOM iyo kuwa Itoobiya.

Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamaanka DFS oo ka soo jeeda gobalka Hiiraan.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud ayaa waxaa lagu sheegay in socdaalka madaxweynaha uu yahay in uu soo eego xaalada beni’aadamnimo, iyo dhibaatooyinka fataahadda iyo roobaab u geeysteen dadka  iyo deegaanka gobalka Hiiraan.

Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud ayaa inta uu joogo magaalada B/weyne wuxuu kulamo la qaadan doonaa Waxgaradka Odayaaasha iyo maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada DFS  iyo kuwa AMISOM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online