Madaxweynaha JFS Xassan Sheekh Maxamuud oo gaaray Magaalada Baydhabo

October 1, 2012 - Written by

Mogadishu:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo  oo barqadii maanta ka duulay garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade International Airport ayaa gaaray magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Wafdiga Madaxweynaha  oo  ay u badan yihiin Xildhibaano Baarlmaanka  Soomaaliya  ka tirsan  ayaa waxaa  garoonka diyaaradaha ee   magaaladda Baydhabo  ku soo dhoweeyey, masuuliyiinta mamulka Gobolka Bay iyo kan Degamada Baydhabo, sarakiil ka tirsan ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom iyo  dadweynaha magaaladda.

Ujeedada Maxaweynaha  uu ugu ambabaxay magaaladda Baydhabo ayaa ah in uu soo indha-indheeyo xaaladda Amni mida guuda  ee  Degmadda Baydhabo, waxaana markii ugu horeeysay ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya booqsho ku gaaro magaaladda Baydhabo iyo dhammaan goboladda kale ee dalka,tan iyo markii la doortay 10 bishii September  ee sanadkan.

Inta uu Madaxweynaha ku sugan yahay magaaladda  Baydhabo ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa, Masuuliyiinta  gobolka, Saraakiisha Ciidamadda, Waxgaradka iyo bulshada  qaybaheeda  kale. Ugu dambeeyntii Madaxwenaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa booshiisan Baydhabo ee maanta waxa noqon  doontaa biloowga    booqshooyin kala uu ku tegi doono   gobolada dalka Soomaaliya.

–  Dhamaad –

Xafiiska Madaxweynaha

Moqdishu, Somalia

media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online