Ayaan Darane Cali C/sacuud Maxamed ”Xeydarah” Taliyaha labada Aag Miyaa W/Q Sh.Shibli

May 3, 2014 - Written by Editor

ayaandarane4Waxaan qormadan 4aad ku soo qaadanaynaa qiso aad u yaab badan oo aad ila wadaagi doontaan qeybaheeda kala duwan ee aan soo bandhigi doono. Waxaan ka codsanayaa aqristaha in uu iigu dulqaato dheerarka qisadan oo hadii laba jeer la kala qoran kala dhantaalmaysa, haddii la is raaciyo hal marna dheeraanaysa kase fiican in ay kala dhantaalanto.

Qissada Oo Qodobaysan:

Cali C/Sacuud Maxamed ” Xeydarah”: Waa nin Masar u dhashay, hadana ku nool meel Maraykanka ka mid ah. Aabihii ayaa ahaa sarkaal ciidamda, waxyna taasi fursad u siisay in uu helo waxbarasho tayo leh, waxuu si fiican ugu hadli jiray luqadaha Carabiga, English-ka, French-ka & Cibriga (Luqadda Yuhuuda), waxay arrintaasi siisay mudnaan gaar ah iyo in uu fursado banda helo. Waxuu ku biiray ciidamada Masar, wax  uu ka mid ahaa ciidamo Marakanku si gaar ah u tababaray, waxaana loo diyaariyay ilaalinta mas’uuliyiinta iyo dublamaasiyiinta. Waqtigii la dilay Anwar Al-Saadaat 1981, waxuu tababar u joogay Maraykanka, xerada ciidamda ee “Fort Bragg” ka dib markii uu qabsaday Xusni Mubaarak ayuu ka mid noqday saraakiil yar yar oo laga saaray shaqadii ciidamada 1984, ayagoo looga shakiyay fikir Islaami ah hase ahaatee lama xirin. Halkaan ka Akhriso Qaramadii 4aad ee Ayaan Darane oo PDF ah , Halkaan ka Akhriso Qaramadii 4aad ee Ayaan Darane oo WORD ah.
Qisadan waxaa ku lifaaqan file ku qoran carabi oo ah meelaha aan ka soo xigtay, si qofkii aqrin kara faahfaahin dheeraad ah uga helo. Halkaan ka eeg Qisadaan oo ku qoran Luqda Carabiga

Qore/ Sh. Mohamuud Shibli    –
03/05/2014 Nairobi – Kenya

 

 

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online