Waxaan rabaa Furiin ama Fasaq W/Q Sh Cabdibaasid Sh.Ibraahim Maylow

May 24, 2014 - Written by Editor

shbaasidMarkii ay dhacdey dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991 ,waxaa ka dhashey dhibaatooyin uu keeney Dagaaladii sokeeye ee dhexmarey Soomaalida ,taasoo sababtey in boqolaal kun oo Qaxooti ah ay u kala firdhadaan Aduunka qeybihiisa kala duwan , In badan oo ka mid ahna waxay soo gaareen Wadamada Yurub iyo Woqooyiga Ameerika.

Dadkaasi waxay u badnaayeen Dumar iyo caruur , ama qoys labada Waalid mid maqanyahay , ama caruur aan waalidkooda la socon . waxay yimaadeen meel aaney hore u aqoon , waxay la kulmeen xaalado ayan filayn , ama dhaqan ka duwan kii ay horey u yaqaaneen sidey doonto ha ahaatee waxaa ka mid ah dhibaatooyinka faraha badan ee weli xal fiican loo helin Khilaafka soo kala dhexgala labada is qabta ( Nin iyo Xaas) , iyagoo wada jooga ,ama marka ay gabadhu halkan joogto , isaguna uu maqanyahay .

Khilaafka soo kala dhexgala labada is qabta wuxuu noqon karaa mid ama wax ka badan waxyaabaha soo socdo :-

1. Dhaqan ama Dabeecad xun oo labada Qof midkood ay caado u noqoto.

2. In labadooda ama mid ka mid uu dayaco xuquuqdii lagu lahaa.

3. Khilaaf ka dhasha sidii loo maamuli lahaa dhaqaalaha guriga.

4.In la isku maandhaafo sidii loola dhaqmi lahaa caruurta. Intaas iyo wax ka badan oo dhibaatooyin ah oo jira , hadana intooda badan xal ayaa loo helaa , marka la reebo in arintu xalkeeda lagu xiro kala tegid iyo Furiin.

Gabdhaha Soomaalyeed waxaa heysata dhibaato ay xal rasmi ah ay u la’yihiin ama cid ka kaalmeysa aaney haysan , waxay tahay gaar iyaga ka mid ah waxay dhib ku qabaan Nimankooda oo dayacay xuquuqdii lagu lahaa , ama ula dhaqma qaab ayan Gabadhu u adkeysan karin , amaba isaga tegey oo meel kale aadey , oo dhaqmo ama dhigid midna ayan ku heysan , ama iyadu nacdey Ninkeedi oo inuu xariigeeda siiyo mooyee xal kale aaney ogolayn. waxay Dumarkaa raadinayaan sidii ay dhibaatadaa ugu bixi lahaayeen , ha noqoto iney helaan Furiin , ama in laga Fasaqo ninkaa ay ka quursadeen in ay nolol la wadaagaan. Dhibkaa heysta Dumarkaa Soomaaliyeed yaa wax ka tari kara ? . Waxaa wax ka qaban kara :-

1. Qaraaba labada isqabta oo raadiya xal labadaba ay raali ka yihiin oo noqon karta in xiriirkooda uu sii socdo , ama iney kala furaan iyadoon wax dhibaato dhicin .

2. In Mujtamaca uu leeyahay Odayaal iyo wax garad ka shaqeeyaa in la qariyo lana heshiisiyo dadka isku dhib toon.

3. Maraakista iyo Masajidada Soomaalida ah oo magaalo walba xarun ku leh oo hawl fiican haya.

Waxaa muuqata in dhamaan qeybaha aan kor ku soo sheegney ay ka gaabiyeen ama ka soo bixi waayeen inay xal u helaan dhibaatooyinkaa aan soo sheegney , oo markaa Dumarkii dhibka qabay ay meel kale ay xal ka raadiyaan oo ah inay aadaan oo dhibkooda u sheegtaan Masaajidada ay leeyihiin Muslimiinta Carabta ah ama Asalkooda Aasiya ( Asians) ka yimid oo markaa arinkooda meesha lagu falanqeeyo oo dantooda ay gaaraan. Masaajidada Soomaalida maxay u gudan waayeen una qaban waayeen howshaasi ?.
Waxaa heysta arrimaha soo socda:-

1- Masaajidada ma haystaan culimo wax ka baratey cilmiga wax kala saarida ( القضاء ) , ama qaadatey Tababar la xiriirta maslaxada isu soo dhaweynta dadka is haya , ama diyaar uma aha iney walaalahooda Muslimiinta kaleeto oo arinka ka caawin kara ay ka faa’ideystaan.

2 -Masaajidada oo aan laheyn qeyb qaabilsan heshiisinta , dhexdhaxaadinta , am kala furida ama sameynkara Fasaq haddii xal kaleeto la waayo .

3 – Maamulada iyo Culimada Masaajidada Soomaalida oo aan wax xiriir ah ka lahayn sidii dhibaatada na heysata wax looga qaban lahaa.

4 – Bulshada Soomaalida ah oo aan inta badan kalsooni ku qabin Culimdada ka hawlgasha Masaajidada , iyagoo sabab uga dhigaya in Sirtooda ama dhibaatadooda ay dhacayso inaan la xifdin oo banaanka la keeno.

5- Masaajidada oo inta badan ka baqanaya Tuhunka Qabiilka oo ah in Rag badani hadii arinkooda uu masaajidka gaaro markiiba ku andacoonaya in Qabiil ahaan loo maagayo , ama Dumarka qaarkood oo ku hadaaqaya hadii Ninkeeda iyo Culimada masaajidka ay isku heyb yihiin , in arinkeeda aan waxba laga soo qaadin oo laguba cadaadiyo in Ninkaa ayan rabin iney la joogto.

Waxaa intaa u sii dheer in Bulshada Soomaalida ah ay ku dhiiradaan oo ayan ka xishoon ama xurmeyn Culimadooda marka ay timaado arimaha Furiinka iyo Fasaqa, iyagoo ka baqanaya dadyowgaa kaleeto , ama a raba in arinkooda ayan ogaanin walaalahooda,sidaa darteed jeclaysta iney meel aan laga aqoon wax ka raadiyaan.

Sidee dhibkaan xal loogu heli karaa?.Waxay ila tahay sida soo socota :-

1- in Bulshada la wacyi geliyo, lagana dhaadhiciyo in arimaheena noo gaarka ah aan dhexdeena ku xalisano oo aan banaanka la gaynin.

2- in magaala walba ama masaajid kasta uu yeesho guddi Ikhyaar ah oo ka shaqeeya dhexdhexaadinta iyo maslaxeynta qoysaska is heysta.

3- in Masaajidada Soomaalida ah ay yeeshaan wadashaqeyn iyo xiriir ku saabsan sidii dhibaatadan wax looga qaban lahaa.

4- in la magacaabo rag soo baara , akhriya , la fariista ,dadka khibrada u leh xal u helida dhibkaan.

5- in Culimada Soomaalida ee halkaan joogta ay isugu yimaadaan Siminaaro lagu falanqeeyo mowdoocyada khuseeya Bulahada Soomaalida ah .

Waxaan filayaa waa arin muhiim ah oo loo baahanyahay in dhamaan Bulshada qeybaheeda kala duwan iska kaashadaan siddii arinkaa dhibkiisa batey xal looga gaari lahaa .

Wixii talo ama ra’yi aad qabto ha la xishoon.
Sh Cabdibaasid Sh.Ibraahim Maylow
Emailka. maylowab@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online