Wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta DFS oo xilka la wareegay

February 25, 2015 - Written by Editor

???????????????????????????????Muqdisho:-Wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta ee DFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta la wareegay xilka wasaarada warfaafinta waxaana ay xil wareejintu ka dhacday xarunta wasaarada warfaafinta ee DFS waxaana xilka wareejiyey isaga oo ka wakiila wasiirkii hore ee warfaafinta DFS Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta C/laahi Colaad Rooble.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta ee DFS Mustaf Dhuxuloow  ayaa ka maqnaa halka xilka lagula kala wareegayey wuxuuna ku maqan yahay dalka dibadiisa .

Xaflada xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharmaake  waxaa kale oo xaflada xil wareejinta ku sugnaa hanti dhowrka Qaranka Soomaaliyeed.

Xaflada xil wareejinta ayaa waxaa khudbad kooban ka jeedshay Wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye wuxuuna sheegay inuu wax badan ka qaban doono Wasaarada Warfaafinta ee DFS.

Dhanka  kale Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar C/rashiid Cali Sharmaake  ayaa amaanay waxqabadka masuuliyiinta hore ee Wasaarada Warfaafinta wuxuuna sheegay in ay wax badan qabteen .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
232425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online