Ciidanka Itoobiya oo ka baxay Degmada Halgan iyo Al-Shabaab oo la wareegtey.

October 23, 2016 - Written by Editor

hiiHiiraan:-Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kooxda Alshabaab ay la wareegeen deegaanka Halgan ka dib markii halkaas ay isaga baxeen ciidamada DFS iyo kuwa Itoobiya.

Dagaalyahanada ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa saakay lagu arkayaa deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan waxaana ay baaritaano kala duwan ka wadaan gudaha Degmada Halgan iyaga oo xabsiga dhigay dhowr qof.

Waxaa kale oo ay Al-Shabaab dib u qabsadeen deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan ka dib markii ay baneeyeen ciidamada Itoobiya waxaana kooxda Al-Shabaab ay ku dileen dad ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen ciidanka Itoobiya.


M_M Deeq

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2016
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online