Wasiir Xoosh “Waxaa naga go’an inaan la shaqeyno Guddiga Baarlamaanka iyo G/Madaxabanaan ee Dastuurka.[Masawiro]

September 18, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Waasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeelatay Guddiga Kor-joogteynta Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista Dastuurka.Kulanka ayaa ku saabsanaa in la dardar-geliyo wadashaqaynta sadex geesoodka ah ee ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Gudiyada.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wadashaqayn iyo midnimo ay tahay in lagu wajaho hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Wasaaradda iyo Gudiyada. “Ujeedada kulankeenna maanta waa inaan isla garano sida aan u wadashaqayn laheen maadaama hawlo badan noo yaalaan, shacabka Soomaaliyeed waxa ay inooga fadhiyaan hawl ballaaran oo ah in Dastuurka dib-u-eegis lagu sameeyo; Wasaaradda waxaa ka go’an in ay wadashaqayn dhaw idinla yeelato” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Guddiga Kor-joogteynta Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Senator Cabdiqaybdiid iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee dib-u-eegista Dastuurka Maxamed Dahir Afrax ayaa waxa ay soo dhaweeyeen in wadashaqaynta la dardar-geliyo loona midoobo hawsha Qaran. Gebagabadii, kulanka ayaa ku soo dhamaaday guul iyada oo lagu ballamay in si dhaw loo wadashaqeeyo.

—–DHAMAAD—–

 

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online