Jubbaland oo Farriin u dirtay Wasaaradda arrimaha Gudaha ee DFS

July 25, 2019 - Written by Editor

Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Jubbaland waxay cadeynaysaa in Dowlad goboleedka Jubbaland ay u madax banaan tahay qabashada Doorashooyinkeeda ayna masuul ka yihiin Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ee Jubbaland.

Sidoo kale Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Jubbaland waxay cadeynaysaa in liiska odayaasha dhaqanka ee ay soo saareen gudiga xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland uu yahay kan rasmiga ah ee u diiwaan gashan Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Jubbaland.

Jubbaland waxay hoosta ka xariiqdey inaysan Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Dowlada federaalku aysan wax shaqo ah ku laheyn doorashooyinka Jubbaland.

War saxaafadeedkan ayaa jawaab u ah waraaq ay shaley soo saartey wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee DFS.

—— Dhamaad—-

Leave a comment

*

Archives
July 2019
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online