Diyaarad sidda Wafdi ka qayb galaya caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland oo ka degtay Kismaayo

October 5, 2019 - Written by Editor

Kismaayo:-Wafdigii ugu horeeyay oo ka qayb galaya Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland oo ay soo qaaday diyaarad ay leedahay Dowlad Goboleedka Jubbaland .

Garoonka Caalamiga ah ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Kismaayo
waxaa maanta kasoo dagtay diyaaradii ugu horaysay oo ay leedahay Dowlad
Goboleedka Jubbaland taas oo samayn doonta duulimaadyo dalka gudahiisa
iyo dibada ah.

Rakaabkii u horeeyay oo diyaaradan ay soo qaado waxaa kamid ahaa Madaxweynayaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed Shariif
Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen guuleed iyo Xildhibaano heer
Federaal ah kuwaas oo kasoo kicitimay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya
una yimid ka qaybgalka caleemo saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee
Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Labada madaxweyne ku xigeen ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo
Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Gudoonka Baarlamaanka iyo Masuuliyiin kale oo
Jubbaland ah iyo dadweyne kala duwan ayaa Wafdigan kusoo dhaweeyay
madaarka Kismaayo.

soo dhawayn kadib waxaa ay si wadajir ah
madaxdu Saxaafada ugula hadleen garoonka diyaaradaha Kismaayo gaar ahaanqaybta nasashada.

Cabdikariin Xuseen guuleed Madaxweynahii hore ee Galmudug oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in ay halkan u yimaadeen ka qaybgalka caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland wuxuu intaas ku daray inuu kamid noqday dadkii ugu horeeyay ee jabiyay go’aanka sharciga ka fog ee lagu cunaqabateeyay dadka ree Jubbaland isagoo sheegay in ayna ahayn wax qabta Bulshada ree Jubbaland cunaqabataynta iyo dhibaatada ay u gaysatay Dowlada Federaalka ah.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynahii hore ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Kismaayo ay u yimaadeen in dadka ree Jubbaland ay la qaybsadaan farxada iyo damaashadka dib u doorashada Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo wax wanaagsan u qabtay ree Jubbaland taasna ay sababtay in ay shacabka reer  Jubbaland mar kale dib usoo doortaan.

Shariif Xasan wuxuu intaas ku daray in cunaqabataynta la saaray dadka ree Jubbaland ay tahay mid aan qabanin oo sharciga aan wax raad ah ku lahayn wuxuu sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed islaam oo mar walba u taagan Midnimada iyo wadajirka umada uu ka shaqeeyo sidii wixii kala aragti duwanaan ah loogu dhamayn lahaa wada hadal.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa wafdigan gaba gabadii ku qaabilay qasriga Madaxtooyada.



Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2019
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online