Barakacayaal ka soo jeeda Bay iyo Bakool oo dibadbaxa ka dhigay Boosaaso iyo Garoowe

September 13, 2011 - Written by

Garoowe:-Banaanbax balaaran oo ay ka soo qayb galeen dadweyne fara badan ayaa saaka waxaa uu ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta Puntlland , banaanbaxaan ayaa waxaa  soo abaabulay  masuuli yiinta kale duwan oo ka tirsan dadka ku soo bara kacay magaalada Garoowe  kuna nool xeryaha ku yaal Garoowe.

Banaanbaxa saaka ayaa dadka dhigayey waxaa ay uga soo horjeedeen hadal shalay ka soo yeeray xilibaano ka tirsan DFKM kana soo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool oo eedeyan u soo jeediyey Puntlland iyagoo ku eedeeyey in la dhibaateeyo dadka isir ahaan ka soo jeeda Bay iyo Bakool.

 Guddoomiyaha barakacayaasha ee magaalada Garoowe oo lagu magacaabo Isaaq Axmed Xassan  oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Puntlland ay ugu nool yihiin sida dadka kale ugu nool yihiin  si sharaf iyo walaaltinimo ku dheehan tahayna loogu soo dhaweeyey, Guddoomiyaha ayaa eed dusha uga tuuray xilibaanadii shalay sheegay in dadka ka soo jeeda Bay iyo Bakool lagu dhibaateeyo Puntlland isagoo hadalkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.

Banaanbaxayaasha ayaa markii danbe waxaa la hadlay Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo sheegay in dadkii ka danbeeyey in dadkaan ku nool Garoowe in ay u soo barakacaan ay maanta ku doodaan dad baaa la dhibaataynayaa in ay tahay wax ayaan daro ah, Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa ku si feeyey xilibaanadii shalay ka hadlay magaalada Muqdisho in ay yihiin qabqablayaal dagaal  iyo kuwa dadka dhiigooda  ka taajira.

Sidoo kale waxaa banaanbax  ka dhigay magaalada Boosaaso barakacayaal  ka soo jeeda Bay iyo Bakool iyagoo ka soo hoejeeda eedayntii ay xilibaano ka tirsan DFKM kana soo jeeda Bay iyo Bakool ay u soo jeediyeen  Puntlland. 

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo maanta la hadlayay barakacayaasha dhigayey banaanbaxa  ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dad masuuliyiin sheeganaya ay wax aan jirin saxaafada mariyaan  isagoo xusay in dadka ka soo jeeda Bay iyo Bakool ay ugu nool yihiin Boosaaso sidda dad kale reer Boosaaso dhib gaar ah oo lagu hayan aysan jirin

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdi samad Maxamed Gallan ayaa sheegay in magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ay dadka ka soo jeeda Bay iyo Bakool iyo Koonfurta ay ku haystaan ganacsi kale duwan xuquuqdoodan la dhowro.

Dhinac kale Wasiirka amniga ee Puntlland Col. Khaliif Ciise Mudan oo shalay la hadlay idaacada VOA ayaa  ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray xilibaanada DFKM mid aan ahayn mid masuuliyadeed isagoo ugu baaqay inaysan ka hadal idaacadaha ee ay bal yimaadaan Gobollada Puntlland oo ay arkaan sida ay u nool yihiin dadka isir ahaan ka soo jeeda Bay iyo Bakool

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2011
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online