Afhayeenka ciidamada AMISOM oo qiray in askar looga laayey Muqdisho

October 21, 2011 - Written by

Nairobi:-Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Paddy Ankunda ayaa waxaa uu saaka ku qabtay shirjaraa,id magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana uu ka hadlay dagaaladii cuslaa ee ka dhacay Degmada Deyniile isaga oo qiray in askar looga laayey dagaalka qaarna lagu la yahay nolosha.

Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ugu dhinteen ciidamada AMISOM 10 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, labo kalana nolosha lagu la’yahay, waxaa kale oo uu sheegay in hal taangi laga gubay AMISOM.

Afayeenka ciidamada AMISOM Col. Paddy Ankunda ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka guulo ka gaareen ayna ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen inta badan Degmada Deyniile ayna dileen dagaalyahano tiro badan oo ka tirsan Al-Shabaab.

 Dhanka kale Afhayeenka Al-Shabaab Sh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa shalay warbaahinta u soo bandhigay 76 askari oo ay ka dileen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi kuwaas oo dagaalkii ka dhacay Degmada dayniile si xun loogu jabiyey .

Wariyaha Halgan.net ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Burundi ay ku hoobteen miinooyin dhulka loogu aasay iyo dhabar jabin lagu sameeyey ciidamadooda qaarna ayba lumeen .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online