Al-shabaab oo shaqada ka joojiye qaar ka mid ah Shirkadaha is gaarsiinta

October 2, 2011 - Written by

Muqdisho:-Axad, Oktoobar 02, 2011 (Halgan.net) — urruka Al-shabaab ayaa maanta waxaa ay xireen ilaa dhowr xarumood oo shirkadaha is gaarsiinta ay ku laaheeyn degaanada ay ka taliyaan, shirkada  Is gaarsiinta ee ilaa hadda albaada la iskugu dhuftay ayaa waxaa ka mid ah  shirkadda Dahashiil iyo xarumaha shirkadaha isgaarsiinta Nationlink iyo Telcom.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin masuuliyiinta Al-shabaab oo ku saabsan go,aamada saaka lagu xiray xarumaha is gaar siinta , Gobollada xarumaha shirkadaha is gaarsiinta laga xiray ayaa waxaa ka mid ah Gobollada Jubbooyinka, Bay, Bakool, Gobolka Gedo, Shabeelooyinka iyo Gobolka Hiiraan.

Masuuliyiinta shirkada ayaa saaka looga yeeray  Saldhigyada waxaan lagu war geliyey in ay xiraan dhamaan khadadka is gaarsiinta ilaa amar danbe. Xiritaanka shirkadaha is gaarsiinta ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan xili diyaarado ajnabi ah ay duqeymo ka geysteen Degmada Ceel buur  ee gobolka Gal-gaduud iyo degaano ku  yaal gobolka Jubada Hoose, xirintaanka shirkadaha Isgaarsiinta ayaa waxaa kale oo ku soo beegmayaan xili dagaalo culus ay ka dhaceen degamad Dhoobley iyo Gobolka Gedo , dagaaladaas oo u dhexeeyey ciidanka ururka Al-shabaab iyo ciidamo daacad u ah DFKM iyo ururka Raascaambooni.

 A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online