Banaanbax looga soo horjeedo Kenya oo ka dhacay duleedka Muqdisho.

October 27, 2011 - Written by

Afgooye:-Banaanbax ay soo qabanqaabiyeen ururka Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay duleed ka magaalada Muqdisho kaasoo looga soo horjeedo soo galitaanka ciidanka dalka Kenya xuduuda Soomaaliya waxaana ka soo qeyb galay madax ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Dadweyne careysan oo wata boorar ay ku xardhan yihiin erayo lid ku ah duulaanka ciidamada Kenya ayaa ku waxaa ay dhawaaqayeen Erayo ay ka mid yihiin ” Kenya dooni meyno gaalo raac dooni meyno”.

Sh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab oo ka hadlay banaanbixii maanta ka dhacay Deegaanka ceelasha Biyaha ayaa khudbad hanjabaad ah u diray dowlada Kenya wuxuuna ugu baaqay Mujaahidiinta gudaha Kenya in ay howshooda qabsadaan oo cadawga si fiican u xanuujiyaan. Sh Mukhtaar Roobow ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladiisa “Kenya waxaan ku leenahay hadaad xirtaan dekeda Kismaayo insha Allaahu inagana idinkaan idinka soo qaadan doonaa waxaan ka heli jirnay dekkeda iyadoon baryo ahayn”

Abu Mansuur ayaa sheegay in Kenya duulaankeeda uu ahaa mid qorsheysan wuxuuna cadeeyey in Al-shabaab aysan ku duulin Kenya balse ay gawaari laga soo dhacay ay dib ugu celi yeen. Waxaa kale ka hadlay Banaanbaxa Shiikh Xasan Daahir Aweys wuxuuna ku eedeeyey dowlada Kenya in ay u diidan tahay shacabka Soomaaliyeed in ay ku dhaqmaan shareecada Islaamka wuxuuna ka hadlay ciidamada la socda kuwa Kenya isaga oo ku tilmaamay kuwa lagu shaqeysanayo isaga oo si gaar ah fariin ugu diray Sh Ahmed Madoobe oo ka wada tirsanaa jiray ururkii Xisbul Islaam ee uu shiikh xassan Daahir Aweys madaxda u ahaan jiray.

Sh Xasan Daahir Aweys ayaa weerar ku qaaciyey Guddoomiyaha Maamulka Azania Prof .Gandi isaga oo uu sheekhu  ku eedeeyey Prof. Gaandi in uu qabay  in Soomaalida ay asal ahaan ka soo jeedo Yahuud uuna fulinayo danaha Yahuuda. Banaan baxyada looga soo horjeedo soo galitaanka ciidamada Kenya ayaa waxay kale oo ay ka  dhaceen Shabeelaha hoose ,Marko, Baraawe, Qoryooley, Afgooye, Buulo mareer, Wanlaweyn,Hiiraan iyo Gal-guduud.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online