Cidamo Kenyaan ah iyo kuwa DFKM oo qabsaday degmada Buurgaabo

October 28, 2011 - Written by

Kismaayo:-Ciidanka dowlada Kenya oo gacan siinaya kuwa Soomaali ah ayaa waxaa ay dhawaan la wareegeen degmada Buurgaabo oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.
 Ciidanka dalka Kenya ayaa waxaa ay ku hubaysan yihiin hubka noocyadiisa kale duwan iyagoo dhinac cirkan ay ka taageerayaan diyaarado waxayna duqeyn culus ka geysteen Degmada Buurgaabo iyo Deegaanka Caanoole

Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa dib uga gurtay degmada Buurgaabo waxaan ay ciidama dooda u qaybiyeen kooxo yar yar si ay uga fogaadaan in diyaaraduhu ay bartilmaamsadaan saldhiyada ay ku sugan yihiin iyo hubka Tiknikada ah ee ay wataan.

Ciidamada DFKM iyo Raaskaambooni ayaa hadda ku sugan degaanka Buurgaabo halka ciidanka Kenyaanka ah ee ku saaciday dagaalkana ay ku sugan yihiin duleedka degaanka Buurgaabo oo 140 KM dhanka Xeebta kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Ciidanka Al-shabaab ayaa xalay jidgooyooyin u dhigay ciidanka dalka Kenya oo marayey deegaanka Jaandisho, oo ah duleedka deegaanka Taabta iyadoo lagu soo waramayo in weerarkaas uu khasaaro lagu gaarsiiyey ciidanka dalka Kenya. 

Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online