Ciidamo Itoobiyaan ah oo saldhiga ka samaystay Is-goyska Kalabeyrka

October 31, 2011 - Written by

Hiiraan:-Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaadiid dagaal ku hubeysan  ayaa mar kale waxaa ay soo galeen Is-goyska  Kalabeyrka ee bartamaha dalka Soomaaliya, ciidamadaan itoobiyaanka ah ayaa maalmo ka hor waxaa ay soo galeen isla Is-goyska  Kalabeyrka waxayna ka samaysteen Saldhigyo iyagoo ka yimid dhinac degaanka Feer Feer.

Ciidankaan Itoobiyaanka ah ayaa waxaa la socda kuwa Soomaali ah oo doonaya in ay weeraro ku qaadaan degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab, dadka socotada ah  ee ku safra Is-goyska  Kalabeyrka ayaa waxaa soo foodsaaray cabsi ay ka qabaan ciidanka Itoobiyaanka ah.

Ciidanka Itoobiyaanka ah ayaa la filayaa in uu qayb ka yahay qorshe ay dejiyeen Midowga Afrika (IGAD) kana doonayaan in ay la wareegaan Soomaaliya gaar ahaa Gobollada ay gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab iyo weliba kuwa ay ka jiraan maamulada
soo gelitaanka ciidanka Itoobiyaanka ee Is-goyska  Kalabeyrka ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili ay ciidanka dalka Kenya iyo kuwa Soomaali ah ay qabsadeen degaano ku yaal Gobolka Jubada Hoose.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online