Ciidamo Kenyan ah oo qarax lagula eegtay magaalada Garisa xarunta gobolka W/ bari Kenya
October 28, 2011 - Written byKenya:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garisa ee xarunta gobolka waqooyi-bari Kenya ayaa sheegaya in qarax lagu weeraray kolonyo ciidamo Kenyan ah oo sahay raashin ah u siday ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya
Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay Saddex askari oo ka tirsan ciidamada booliska ee dalka Kenya laba ka mid ah ayaa waxaa la soo sheegay in dhawacoodu uu aad u liito.
Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan meesha uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qarax uu ahaa miino dhulka loogu aasay ciidamada Kenya waxaana ka bilaawday caawa magaalada Garisa howlgalo ay ciidamado ku baarayaan guryaha iyo baabuurta meelaha qaarkooda .
Taliyaha ciidamada booliska gobolka waqooyi Bari Kenya Leo Nyongesa ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano aysana ka hordhici doonin cida ka danbeysa weerarka maanta lagu qaaday ciidamada Kenya .
A/Cawale
Halgan.net