Ciidamo Kenyan ah oo qarax lagula eegtay magaalada Garisa xarunta gobolka W/ bari Kenya

October 28, 2011 - Written by

Kenya:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Garisa ee xarunta gobolka waqooyi-bari Kenya ayaa sheegaya in qarax lagu weeraray kolonyo ciidamo Kenyan ah oo sahay raashin ah u siday ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya

Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay Saddex askari oo ka tirsan ciidamada booliska ee dalka Kenya laba ka mid ah ayaa waxaa la soo sheegay in dhawacoodu uu aad u liito.

Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan meesha uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qarax uu ahaa miino dhulka loogu aasay ciidamada Kenya waxaana ka bilaawday caawa magaalada Garisa howlgalo ay ciidamado ku baarayaan guryaha iyo baabuurta meelaha qaarkooda .

Taliyaha ciidamada booliska gobolka waqooyi Bari Kenya Leo Nyongesa ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano aysana ka hordhici doonin cida ka danbeysa weerarka maanta lagu qaaday ciidamada Kenya .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online