Ciidanka AMISOM oo waqtiga loo kordhiyey
October 1, 2011 - Written byQaramada Midoobay ayaa shir ay yeesheen shalay waxaa ay mudo sanada ah u kordhiyeen ciidanka AMISOM in ay sii joogi karaan magaalada Muqdishoi caasimada dalka Soomaaliya ciidanka AMISOM ayaa loo asteeyey in joogi doona Soomaaliya ilaa 31-ka bisha October 2012. Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa kale oo ay isku raaceen in ciidanka AMISOM tiradooda la gaarsiiyo ilaa 12 kun oo askari halka markii hore la qorshuhu ahaa in ay noqdaan ilaa 9000 kun oo askari
Midowga Afrika ayaa waxaa ay codsi u gudbiyeen Golaha amaanka iyagoo ka codsay in ciidanka AMISOM ee jooga dalka Soomaaliya la gaarsiiyo ilaa 20 kun oo askari, Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in codsiga Midowga Afrika ay dib ugu eegi doonaa shirarka soo socda.
Muddo kordhinta ciidamada AMISOM ayaa ku soo beegmaysa xili dagaalo ay dib uga cusboonaa deen Gobolka Gedo iyo Jubada Hoose , dalaka Soomaaliya darska la ah ayaa qorsheynaya in ay ku soo biiraan cidanka AMISOM si taageero dhaqaale iyo mid Milateriba ay uga hellaan dalka Maraykanka iyo dalalka kale oo reer galbeed ah.
A/cawaale
Halgan.net