Ciidanka dalka Kenya oo qabsaday degaanka Busaar ee duleedka degmada Ceel-waaq

October 24, 2011 - Written by

Nairobi:-Ciidanka dalka Kenya oo gacan siinaya ciidamo huwan ah oo taageersan DFKM ayaa waxaa ay saaka weerar la beegsadeen degaanka Busaar ee duleedka degmada Ceel waaq. Degaanka Buusaar ayaa waxaa gacanta ku ayey ciidanka Al-shabaab iyagoo makii ay ka war helleen ciidamada ku soo wajahan ay ciidamo kooban oo sahan ah ay la dagaalameen sahan ay soo dirsadeen ciidanka DFKM iyo kuwa Kenya Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa markii ay xog badan aruuriyeen waxaa ay goosteen in ay ka baxaan degaanka Buusaar ee duleedka degmaa Ceel-waaq Sarkaal ka tirsan ciidanka DFKM ayaa saxaafada u sheegay in ciidankooda iyo kuwa Kenya ay hadda la wareegeen gacan ku haynta degaanka Buusaar ee degmad Ceelwaaq.

 Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka ururka Al-shabaab oo ka hadlay dagaalka koobnaa ee ka dhacay duleedka Ceel waaq iyo in ay ciidanka Al-sabaab ka baxeen tuulada Buusaar.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,817 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>