Culimada Soomaaliyeed ee dalka Kenya oo ugu baaqay dowllada Kenya in aysan gelin xadka Soomaaliya

October 26, 2011 - Written by

Nairobi :-Arbaco, Oktoobar 26, 2011 Culimadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa ay bayaan ka soo saareen xaalada dalka Soomaaliya iyo aragtidooda ku aadan ciidanka Kenya ee galay xadka Soomaaliya , Culimada ayaa uga digay dowllada Kenya in ay galaan xadka Soomaaliya iyagoo xusay in dowllada kale sidda Itoobiya iyo Maraykanka ay galeen dalka Soomaaliya ay ka soo gaareen khasaaro nafeed iyo mid dhaqaale culimada ayaa waxaa kale oo ay ugu baaqeen bulshada Soomaalida in aysan kala xigsan dowllado dano gaar leh taas oo sababi karta in dalka Soomaaliya uu faraha  ka baxo.

Dhinac kale culimada ayaa ka codsaday Hogaanka  Al-shabaab in talad ay wax ka siiyaan culimada , waxgaradka iyo ganacsatada Soomaaliyeed si dalka Soomaaliya looga bad baadiyo in uu khatar u galo in ay la wareegaan quwado shisheeye oo dano gaar leh.

Bayaanka Culimada ayaa waxaa uu u qornaa sida hoos ku qoran

Annagoo kamid ah Culimada Soomaaliyeed ee Kenya waxaan halkan ku soo gudbinaynaa mawqifka aan ka taaganahay waxyaabaha ka dhacaya Soomaliya ee ku saabsan duulaamada kala duwan ee lagu qaadayo.

Qodobka 1aad: Ummadda Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka daba dheeraaday ku habsadeen:

1) Waxaan ugu baaqaynaa dadka Soomaaliyeed Inay Allaah usoo laabtaan, kana tawbad keenaan dunuubta sababtay in ay is khilaafaan, dalkooda burburiyaan, dadkoodana qaxiyaan.

2) Waxaan ugu baaqaynaa in ay ayagu heshiiyaan oo ay wada hadlaan, wadankana u wada dhistaan dawlad ku dhaqda shareecada Islaamka.

3) Waxaan xasuusinaynaa in aanay dawlada kale iyo wadamo shisheeye u dhisaynin Dalkooda, una ilaalinaynin diintooda iyo dantooda, ee ay tahay dhibaato loo soo jiidayo dadka, diinta iyo dalkaba.

4) Waxaa qalad ah in dawlado ayagu leh danahooda gaarka ah la kala xigsado, oo midba uu mid garab iyo gargaar waydiisto, taas oo ah middii ay wadama badan oo muslim ah ku lumeen taariikh hore iyo mid hadda ahba.

Qodobka 2aad: Dawladda Kenya Waxaan dawladda Kenya ugu baaqaynaa in ay amnigeeda iyo xuduudaheeda ilaashato oo aanay galitaanka Soomaaliya fudaydsan, waayo:

 1) Waxaa Soomaaliya galay dawlado badan oo ka horeeyay, khasaare kadibna ay kuqasabtay dantu inay ka baxaan, sida Maraykan iyo Ethiopia.

2) Waxaa hadda jooga wadamada Uganda iyo Burundi oo dagaalo badan kaga jira, hase ahaatee aan wax natiija ah ka gaadhin, balse dhimasho iyo khasaare badan kala kulmay.

3) Dagaaladu waxay daadiyaan dhiig badan oo dadka shacabka ah sida dhacda maalin walba, marka aan loo kala miidaan dayin duqaymaha iyo madaafiicda kala duwan.

 4) Waxaa Kenya u suuragal ah inay ilaashato xuduudaheeda iyo amnigeeda gudaha sidii ay u ilaashan jirtay 20-kii sano ee ay Soomaaliya dagaaladu ka socdeen, ayadoon u baahanin inay gasho gudaha Soomaaliya.

 5) Waxaa kale oo aan ugu baaqaynaa in aanay arrintaas dhibaatadeeda dib ugu soo celin dadka Soomaaliyeed ee Kenya jooga, iskana ilaaliso waxa dhalin kara in dadka lagu diro, sida hadaladii uu baarlamaanka ka sheegay wasiir ku xigeenka Amniga ee ahaa ” Madaxa Al-shabaab wuxuu yaallaa ISlii”, iyo falal lagu beegsanayo Soomaalida.

Qodobaka 3-aad: Al-shabaab Waxaan Al-shabaab usoo jeedinaynaa qodobada ah:

1) Waxii ay ka sameeyaan Kenya gudaheeda ee dhib ah waxay dib ugu soo laabanaysaa dadka musliminnta Kenya gaar ahaan Soomaalida joogta Kenya, waxaana lagu xalaalaysanayaa dhibkooda iyo dhacooda.

2) Dhib laga sameeyay gudaha Kenya ma joojinayo ciidan furin dagaal ku jira oo hiigsanaya hadaf, waxaana tusaale ugu filan kuwii hore ee laga sameeyay Kampala iyo meela kaleba.

 3) Waxaa noo muuqata in ay dadka ku keeni karto nicitaan diineed haddii falalkaas dartood loo dhibaateeyo.

 4) Sidaas darteed Waxaan usoo jeedinaynaa in aanay samayn wax dhibaato usoo jiidaya dadka muslimiinta Kenya gaar ahaan Soomaalida fara badan, oo qasaaradiisu ka badan tahay wax tarkiisa.

5) Waxaa kale oo aan Al-shabaab ugu baaqaynaa in ay dadkii Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan sida Culamada, Wax garadka, aqoonyahanka iyo ganacsatadaba talada dadka iyo dalkaba la wadaagaan, waxii qaldan saxitaankoodana ogolaadaan, si loo badbaadiyo dalka, dadka iyo diintaba. Waxaa bayaankan soo saaray culimada kala ah:

1) Sh. Maxamed Cabdi Umal.

 2) Sh. Maxamed Sh. Cismaan.

3) Dr. Sh. Axmed C/ladiif.

4) Sh. Maxamed Cismaan Calasow.

5) Sh. Xassan Ashkir Ibraahim.

6) Sh. Maxamuud Maxamed Shible .

 7) Sh. C/qaadir Maxamed Cismaan “Boobe”.

8) Sh. Shariif Maxamed C/raxmaan ” Dhawiil”.

9) Sh. C/raxmaan Maxamed C/laahi ” C/mahad”.

10) Sh. Maxamed Nuur Xassan ” Yamani “.

 

Halgan.net

14 Comments so far

Leave a comment

  1. Midakale culumadu alshabab runta haushegan,shbb hadey nabada qatan dowladana laheshiyan xagee dulanku kaiman.culimada waxaa lagarabaa waxey shegayan iney naftoda kabilaban oo ey bulshada xaqa ushegana kuna hogamiyan mel kasta oo uuyaalo

  2. Asc culumadu runti waxey sheganayan iney dad haya wadadii rasulka .culumadu lamarabin iney faristan kenya lakin waxa larabey iney badbadiyan dadka iyo dinta oo ey dalimka farta kutagan mathlumkana garabsiyan!

  3. wadaadada waxaa looga fadhiyey inay cadeeyaan wixii laga yeeli lahaa gaalada wadanka ku duushay sidii ay ethoipia u cadeen jireen lakiin waxaa muuqda in aanay fatwa cad ka soo saari karin.

    Allah xaqa hayna wada tuso…..

  4. Waa wax lagu farxo iyo lagu mahadceliyo culamadda hadalladda iyo waanadda wanaagsan ee ay soo jeediyeen, waxaan ugu baaqanaan walaaleyahan in ay qaataan hadalkaasi wanaagsan iyagoo diinta iyo dalkoodiiba difaacayo kana difaacaya cadowga duliga ahi ee iimaanka daran

  5. salaamu Calaykum
    waxaan u mahad celinayaa culumada baaq soo saartay oo aan ku naqaan cilmi iyo cibaado kuwa afka duuban oo aan cidna matalin yey umada waalin Soomaali culumo kale aan ictisaam ahayn oo dacwada heerkaan ognahay soo gaarsiiyey maba garanayo ee sufahada umada ha ka qabto siyaasad xumadooda iyo diin la,aantooda baa dalkii maanta gacanta ka baxay kuwa xamar joogana oo sheeganaya dowladna warkoodaba daa waa dabadhilif

  6. Culimadani waa wadaado Ictisaam ah. Ma matalaan culimadii Somaliyeed oo dhan. Waa in Culimadii Somaliyeed oo dhan laysu keeno, Ictisaam kaliya waxba ma tarayo ( EX-Itixaad).

    Tan kale waan in wadaadu ama Shabaab tageeraan iyo dulmigooda ama ay kasoo horjeestaan.

    Anigu wadaada Ictisaamka waan ka yaabay. Shalay waay tageersanayeen maantana shabaabka waa ugu baxeen. Waaa siyaasiyiin.

    • C/qadir bro haday jiraan culumo kale oo diyaar u ah iney culamadan kala shaqayeen sida xal lagu gaari lahaa talo ahaan uso badhig! taas baa tilaabo fican ah! wali lama arag culumadi kale ee somaalida garan mayo waxa qariyay! bal qof kastaa fikirkiisa ha qabee ummadaan in sida loo dhaamo wa lagama maarman balse waxaa mesha ku jira is tuhun iyo is qabad inta saas ay xaaladu tahayna xal lama gaari doono, dhamaan dadka somaaliyeed waxaan u so jeedinayaa iney illaahay ka cabsadaan oo dadkooda dhibta ka qaadan iyo burburka

  7. Asc.

    Waxaan aad ugu faraxsanahay Talada Culumada somaliyeed ee sharafta badan Haddaa nahay shacabka somaliyeed ee jecel Dalkooda iyo dadkooda iyo diintooda waxaa garab istaaganhay Culumadaayna. Kheeyr allaha in siiyo.

  8. asc maasha allaah walaalayaal ha laysmaqlo oo culimadan hadalkooda yaan la fududaysan billlaahi calaykum qaar ahaan mujaahidiinta

  9. acww
    diinta iyo dalka waa loo siman yahay, iskhilaafkuna dabiico bashar.hadii nin ama urur aamino in isagu xag u leeyahay in inta kale ku sanduleeyo ijtihaadkiisa ama araftidiisa waxaa iman waxan hada yaala soomaalinya.Waxaan marka baaqaa culimada ku dari lahaa: Alshabaab diinta iyo dalka waa lala leehayay,marka hadii daacad u yihiin diinta,dadka iyo dalkaba, ha ogolaadeen in culimada iyo waxgaradka soomaaliyeed talada lawadaagaan.Hadii idina waad lumaysaan,ummada soomaaliyed waad luminaysaan.
    wcww

  10. kenya waxay ka tarjumaysaa fikirka khubaradeeda istaraatijiga ah..!

    please see…the link….!

    http://www.nation.co.ke/oped/Opinion/-/440808/476952/-/3lvt45/-/index.html

  11. as war wab
    guud ahaan ma xuma waxadna mooddaa in wadaaddadu xoogaa insaaf ah u sameeyeen walaalaha mujaahidiinta ah..

    waxan leeyahay mujaahidiintana qalbi furan kusoo dhoweeya wixii talo ah ee wanaagsan sida hadallada qaar halkan ku qoran…

    waxan kaloo leeyahay mujaahidiinta bayaankani waa ka duwanyahay weerraradii wadaaddadan aad uga barateene idinna wax yaabo wanaagsan oo wax isu soo dhowaynaya sameeya …

    ilaahoow qalbiga muslimiinta isu soo jeedi …aamiin
    ilaahow ciidamada ken,uganda ,burundi iyo kuwa la socda jebi …aamiin

  12. Ass/c

    Wadaadadu waxa ay soo jeediyeen talooyin ay ku muujinayaan dhex/dhexaadnimo. laakiin waxaa ka wanaagsanayd in ay bayaankooda ku saleeyaan ,fatwo sharciya ,iyo waxa ka ratibyada soo galitaanka kiinya.ee soomaaliya.

  13. Assalamu Caleykum.

    Bayaankan waa bayaan aad u wanaagsan laakin waxaan oran culumada wee kala daaheen ummada soomaaliyeed, Xarakada Al-shabaabna waa la dulmiyay madaama hada usluubka lola daqmay uu ahaa usluub aad u khaldan, bayaanka waxa ka muuqda in Xarakada Al-Shabaab loo tawaaducay oo si tartiib ah wax loogu sheegayo, culimooy maxa kahor diiday in aad walaalihiin habkaas oo kale ula hadashiin? Xarakada Al-shabaab waxa oran Culumada ha loo jawaabo oo si tawaducsan ha loogu jawaabo, yaana la xaqirin.

Leave a comment

*