Dadkii ku Dhaawacmay Qaraxii Muqdisho oo saaka loo duulyey dalka Turkiga

October 6, 2011 - Written by

Muqdisho:Waxaa saakay laga duuliyey garoonka Aadan Cadde ee  Muqdisho dad dhaawacyo culus uu ka soo gaaray qaraxii ruxay magaalada Muqdisho dadkaan oo tiradood lagu qiyaasay ilaa 50 qof ayaa waxaa loo qaaday dalka Turkiga si loogu soo daweeyo. Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa saakay waxaa ka soo degtay diyaarad weyn oo ay soo dirtay dowladda dalka Turkiga si loogu daad gureeyo dadka qaba dhaawacyada culus oo aan wax looga qaban karin gudaha dalka Soomaaliya.

Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan masuuliyiin kale duwan oo ka tirsan DFKM si ay ula soc daan dhaawacyada la qaadayo, saraakiil ka socda wasaarada caafimaadka, iyo wasaarada waxbarashada DFKM ayaa iyaguna ku sugan garoonka.

Madaxda ugu saraysa DFKM ayaa waxaa ay dadka dhibaatada ka soo gaaraya qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho ay u samaysay gudi ilaa heer wasiiro ah si xaalada dadka dhaawac ah ay ula socdaan.

 A/cawaale
Halgan.net

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. ilaahay ha caafiyo dadkaa soomaaliyeed ee dhibaatadu gaartay aamiin aamiin

Leave a comment

*