Deeq Lacageed oo uu Ururka African Development for education and health oo la gaarsiiye Gobalka Gedo
October 2, 2011 - Written byHay,adda african development for education and health iyo gudiga gurmadka abaaraha ee jaaliyadda beesha sade ee ku dhaqan magaalada Seattle Washington state ayaa gargaar lacageed gaarsiiyay qoysas ku dhibaataysan gudaha gobolka gedo ee koonfur galbeed Somalia. Deeqdaan ayaa waxaa la gaarsiiyay dad aad iyo aad ogu baahnaa dadkaa oo ku xoolo beelay abaaraha ba,an ee ka jiro koonfurta somalia. deeqdaan ayaa waxa ka faa,idaystay ilaa 738 qoys dad gaaraayo
Dadkii lagaarsiiyay deeqdaa ayaa mahad celin iyo duco u soo jediyay walaalahood ka damqaday dhibaatada haysato isla markaana waxay ka codsadeen in ay wali isgarab taagaan maadaama ay abaartii ka sii darayso.Dhinaca kale ururka adeh iyo gudiga gurmadka abaaraha ee deeqda aruurioyay waxay mahdinayaan allah ka dibna dadkii sida diiran u soo dhaweeyay qalbiga iyo gacantana u furay waxay kaloo ku boorinayaan in ay mar walbaa ka qayb qaataan hawlaha lagu gargaaraayo dadka ku dhibaataysan gudaha dalka
لله في عون العبد ما دام العبد في عون أخيه
بسم الله الرحمن الرحيم السلام عليكم ورحمة الله وبركاته