Dhakhaatiir lagu xiray Nairobi oo maanta la sii daayey
October 25, 2011 - Written byNairobi:-Waxaa maanta Xabsi ku yaal magaalada Nairobi laga sii daayey labo Dhakhaatiir oo maalmo ka hor ay xireen Sirdoonka ciidanka Kenya , Maxkamad ku taal magaalada Nairobi ayaa damiin ku sii daysay 2-daan Dhakhaatiir. Qareen dowlladda Kenya ayaa dacwo ku soo oogay Dr. Cali Cumar Saalim iyo Dr. Aadan Xasan Hiilow in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab isagoo codsaday in xabsiga lagu sii hayo 2-daan Dhakhaatiir ah oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaali.
Looyaro difaacayey 2-da Dhakhaatiirta ah ayaa dood adag la galay qareenkii dacwada ku soo oogay 2-daan Dhakhaatiir iyagoo ku guulkaystay in ay Maxkamada ku qasbaan in ay sii dayso maadaam wax cadaymo ah oo rasmi ah aysan keenin. Dr. Cali Cumar Salim iyo Dr. Adan Hassan ayaa Maxkamadda ka hor cadeeyey in aysan shaqo ku lahayn danbiga loo xiray wax xiriir ahna aysan la lahayn ururka Al-shabaab.
Dowllada dalka Kenya ayaa ilaa intii ciidankeedu ay galeen dalka Soomaaliya waxaa ay bilaabeen howl galo lagu xirxiray dadka Soomaaliyeed si ay iskugu furtaan lacag iyadoo dadka lagu handadayo in lagu soo oogi doono in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab arrintaas oo dad badan ku abuurtay cabsi iyo welwel.
A/cawaale
Halgan.net