Dibadbax looga soo horjeedo Sh Shariif oo ka dhacay Dhoobley iyo Garisa
October 25, 2011 - Written byDhoobley:-Dibadbax aad u ballaaran oo looga soo horjeedo hadalkii Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu ka dhacay maanta Degmada Dhoobley waxaana isku soo baxay dadweyne aad u tiro badan.
Banaanbaxa ayaa waxaa soo abaabulay kooxaha la dhacsan in ciidankaKenya ay soo galaan garabna siiyaan kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Ururka Al-Shabaab . Banaanbaxa ayaa waxaa ka soo qeyb galay Haween, Carruur, Odayaal dhaqameed iyo masuuliyiin ka kala tirsan DFKM iyo ururka Raaskaambooni.
Suldaan Cabdi Cali Sokor oo ka hadlay banaanbaxii ka dhacay Degmada Dhoobley ayaa ku tilmaamay hadalka Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Ahmed mid aad looga xumaado , Suldaanka ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Kenya ay garab ku siiyeen kuwa DFKM si ay uga dulqaadeen ciidanka Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye , Suldaan Cabdi Cali Sokor ayaa sheegay in ay haatan xoryihiin deegaanada Dhoobley Qooqaani iyo Taabta.
Suldaanka ayaa sidoo kale baaq u jeediyey Xildhibaanada ka soo jeeda J/hoose iyo Gedo in ay ka hadlaan hadalka Madaxweyne Shariif Sh Ahmed wuxuuna wacad ku maray in xildhibaanada ay kala laaban doonaan kalsoonida hadaysan ka hadal mowqifka madaxweyne Shariif.
A/Cawale
Halgan.net