Diyaarado duqeymo ka shalay geystay deegaanka Qooqaani ee gobalka J/hoose
October 8, 2011 - Written byKismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in diyaarado kuwa wax basaasa ee laga leeyahay dalka Mareykanka ay shalay duqeymo ka geysteen deegaanka Qooqaane iyo Taabta oo ay haatan gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab. Diyaaradaha loo yaqaano DRONES ayaa duqeynta ay geysteen waxaa ku dhintay ilaa 29 qof oo iskugu jira xoolo dhaqato iyo ciidamo ka tirsan Al-Shabaab sida wariyaha Halgan.net ay u sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Duqeynta ayaa waxaa kale oo ku dhaawacmay ilaa 28 qof oo u badan dad xoolo dhaqato ah .Ciidamada Al-shabaab ayaa soo gaaray goobta la duqeeyey waxaana ay heegan galiyeen ciidamada difaaca kaga jiray deegaanka Taabto.Ciidamada DFKM iyo Ururka Raaskambooni ayaa dagaal kula jira ciidamada Al-Shabaab ee haatan gacanta ku haya inta badan gobalka J/hoose .
Dhanka kale ciidamo ka tirsan dowlada Kenya ayaa soo buuxiyey xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya waxaana saaka oo dhan dul heehaabayey degmada Dhoobley diyaaradaha qumaatiga u kaca oo laga leeyahay dalka Kenya.
A/Cawale
Halgan.net