Duqii hore ee Beledxaawo Axmed Maxamed Yuusuf (Burkuus) oo la dilay
October 5, 2011 - Written byGedo:-Waxaa maanta lagu dilay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo Duqii hore ee degmadaas Axmed Maxamed Yuusuf (Burkuus), guddoomiyaha ayaa waxaa dilay 2 nin oo ku hubaysan bistooladoo iyagoo markii dilka ay fuliyeen goobta ka baxsadeen, Guddoomiyaha ayaa waxaa lagu dilay meel aan ka fogeyn gurigiisa Duqii hore ee degmada Beledxaawo Axmed Maxamed Yuusuf (Burkuus) ayaa u geeriyooday dhaawac culus ka dib markii loola cararay Isbitaalka magaalada Beledxaawo.
Alla ha u naxariistee Duqii hore ee degmada Baledxaawo Axmed Maxamed Yuusuf (Burkuus)ayaa in mudo ah waxaa uu ka soo shaqeynayey gudaha magaalada Baledxaawo xiliguu uu madaxweynaha DFKM ahaa Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ,Marxuum Axmed Maxamed Yuusuf (Burkuus )ayaa xilka iska casilay ka dib markii ay ururka Al-shabaab ay la wareegeen magaalada Beled xaawo .
Ilaa haatan ma jiraan cid si rasmi ah u sheegatay dilka Duqii hore ee degmada Baledxaawo Axmed Maxamed Yuusuf (Burkuus) waxaana la filayaa in lagu aaso isla maanta magaalada Beledxaawo.
A/Cawale
Halgan.net