Elgiva Bwire Oliacha(Maxamed Sayif ) oo Maxkamad la hor keenay saaka
October 27, 2011 - Written byNairobi:-Booliiska dalka Kenya ayaa saaka waxaa uu Maxkamad soo taageen eedeysane ay xalay gacanta ku dhigeen ciidanka nabad sugida ee dalka Kenya kaas oo deganaa guri ku yaal xaafada Kayole ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Taliyaha ciidanka Booliska ee dalka Kenya Jen Mathew Iteere ayaa sheegay in ninka lasoo qabtay uu heystay ilaa 13 Bam iyo qori AK-47 ah wuxuuna sheegay in wili baaritaan badan uu socdo.
Elgiva Bwire Oliacha oo ah eedeysanaha lagu soo qabtay Bamka iyo qoriga AK-47 ah ayaa loo qaban wax qareen ah ka dib markii ay Maxkamada sheegtay in uu qirtay in uu ka tirsan yahay Ururka Al-Shabaab waxaana laga baqayaa in Maxkamada ay ku xukunto 15 sano oo xarig ah.
Wariye ka tirsan NTV ayaa waxaa uu wareysi ka soo qaaday imaamka Masjidka uu ku tukan jiray Maxamed Sayif oo magaciisa rasmiga ah ay maxkamada ku sheegtay Elgiva Bwire Oliacha Hoos ka Daawo
C/casiis Maxamed
Nairobi