Guddoomiyaha baarlamanka DFKM Shariif Xassan oo dib ugu soo laabtay Muqdisho
October 11, 2011 - Written byMuqdisho:-Guddoomiyaha baarlamanka DFKM Shariif Xassan Sh Aadan iyo wafdi la socda ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho iyagoo safaro ku soo kala bixiyey wadamo ay ka mid yihiin Denmark , Kenya iyo Maraykanka. Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaaka Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa waxaaa ku soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka DFKM Cabdiweli Muuday ,xilibaano iyo saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM
Guddoomiyaha baarlamanka DFKM Shariif Xassan Sh Aadan oo la hadlay saxaafada markii uu ka soo degay garoonka Aadan Cadde ayaa waxaa uu sheegay in safarkii uu ku tegay dalka dibadiisa uu guul ku soo dhamaaday. Guddoomiyaha baar lamaanka DFKM Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa sidoo kale sheegay in masuuliyiinta uu la kulmay dalalka uu soo maray uu uga waramay xaalada dalka Soomaaliya iyo in ay u baahan yihiin gargaar biniaadanimo iyo mid siyaasadeed.
Guddoomiyaha baarlamanka DFKM Shariif Xassan Sh Aadan ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay qaraxii ka dhacay xarunta hargaha iyo saamaha isagoo tacsi u diray dhamaan dadkii ay eheladooda ku dhinteen ama ku dhaawacmeen qarax maalmo ka hor ruxay magaalada Muqdisho, Guddoomiyaha baarlamanka DFKM Shariif Xassan Sh Aadan ayaa xusay in uu soo dhaweynayo guulaha ay ciidanka DFKM iyo AMISOM ay gaareen
A/cawaale
Halgan.net