Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed oo gaaray Galdogob

October 29, 2011 - Written by

Galdogob :-Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo wafdi la socda oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta safar shaqo ku gaaray degmada Galdogob ee gobolka Mudug .

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo wafdi la socday ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey degmada Galdogob iyadoo dad weyne fara badan ay iskugu soo baxeen wadooyinka magaalada.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka dowllada Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya wasiirrada caddaallada,Cabdi khaliif Ayaajo , Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ,Saraakiil ka tirsan ciidanka daraawiishta ee Gobolka Mudug.

Wafdiga Guddoomiyaha golaha baarlamaanka dowllada Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay kulamo kale duwan ay la qaataan, qaybaha bulshada ee ku dhaqan degmada Galdogob gaar ahaan maamulka magaalada iyo Isimada dhaqanka iyo Nabadoonada degmada Galdogob

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online