Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntand iyo wafdi la socda oo gaaray Gaalkacyo
October 16, 2011 - Written byGaalkacyo:-Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntand Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaana socdaalkiisa ku weheliyey gudoomiyaha xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo Baarlamaanka Puntland.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntand Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa laga xusi karaa masuuliinta ku weheliya socdaalkiisa Wasiirka cadaaladda iyo arimaha diinta Cabdikhaliif Xaaji Xasan Ajaayo , Wasiirka shaqada iyo Shaqaalaha , Dhalinyarada , iyo Ciyaaraha Puntand Cabdiweli Xirisi Cabdulle (Indho guran) , Wasiirka hawlaha guud iy gaadiidka Eng. Daahir Xaakhi Khaliif , Taliyaha ciidamda Madaxtooyada Puntland G/lle sare Cumar Cabdilaahi Maxamed .
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntand Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo wafdigiisa ayaa waxaa ujeedada socdaalkooda lagu sheegay in ay sii xoojiyaan heshiiskii dhexmaray beesha Leelkase iyo Puntland iyo in ay soo kormeeraan xaalada amniga ee magaalada Gaalkacyo.
Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntand Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona masuuliinta gobalka Mudug iyo kan degmada waxaana ay ka wada hadli doonaan xaajinta amaanka magaalada Gaalkacyo.
M_M Deeq
Halgan.net