Jen Julius Karangi ciidanka Kenya soo laaban maayaan inta la sugayo Amaanka xuduuda(Daawo)

October 29, 2011 - Written by

Nairobi:-Taliyaha sare ee ciidanka Miletariga ah ee dalka Kenya  Jen Julius Karangi ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee  howlgalay ka wada gudaha aysan dib u soo laaban doonin ilaa inta dowlada Kenya ay xaqiijinayso amaanka xuduudeeda iyo muwaadiniinta reer Kenya .

Jeneral Julius Karangi ayaa maanta shirjaraa,id ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya wuxuuna faahfaahin ka bixiyey qaabka ay ciidamadiisa u galeen Soomaaliya iyo khasaaraha soo gaaray ciidamadiisa ilaa intii ay galeen gudaha Soomaaliya.

Jen Julius Karangi oo u ag fadhiyo wasiirka Difaaca ayaa sheegay in howlgalada ay wadaan ciidanka Kenya uu kaga dhintay hal askari 5 kalana ay kaga dhaawacmeen ayna la,yihiin ilaa hataan  3 askari.

Taliyaha ciidanka Melatariga ee dalka Kenya ayaa waxaa uu meesha ka saaray in ciidankiisa uu damac uga jiro in uu qabsado Soomaaliya  wuxuuna sheegay in dagaalkooda uu ku wajahan yahay Ururka AlShabaab oo uu ku tilmamay Urur Xag jir ah.

Hoos ka Daawo Shirka jaraa,id uu qabtay maanta  Jen Julius Karangi  Taliyaha ciidanka Melatariga Kenya

Cabdi Casiis Maxamed
Nairobi
Kenya

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online