Kal-fadhigii 27 aad ee Baarlaamka Puntland oo maanta furmay
October 31, 2011 - Written byGaroowe:-Kalfadhigii 27-aad ee golaha baarlamaanka Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaana ka soo qeyb galay kalfadhiga golaha baarlamaanka saaka xildhibaano gaaraya 51-xildhibaan .
Kalfadhiga golaha baarlamaanka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad Faroole o khudbad dheer ka jeediyey Kalfadhiga baarlamaanka Puntland.
Ugu horayntii golaha baarlamaanka Puntland waxaa furay gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamuud Xirsi isaga oo sheegay in kalfadhiga looga hadli doono ansaxinta miisaniyada sanadka 2012 iyo warbaxin uu soo gudbin doono madaxweynaha Puntland.
Madaxwaynaha Dowlada Puntland ayaa ka warbixiyey Shirkii ka dhacay dalka Britain oo ay Puntland ka qeyb gashay ee looga hadlayay falalka burcad badeedka,soo galitaanka ciidamada AMISOM ,Amaanka guud ee Puntland isaga oo dilalka qorsheysan dusha uga tuuray Al-Shabaab
M_M Deeq
Halgan.net