Khudbadii Jimcihii shalay ee uu Shiikh C/raxmaan Sh Cumar uga hadlay in been abuur la faafiyo.(Dhagayso)
October 22, 2011 - Written bySh. C/raxmaan Sh. Cumar oo maanta khudbada ku soo qaatay been abuur la faafiyey iyadoo wajiyo badan oo kale gadisan la adeegsanayo, muslimiintana uga digay inay iska ilaaliyaan dadka ugu soo gabanaya siyaalaha kala duwan.Culimmada Masaaji dka Abubakar ayaa aad u ridiyey, been la abuubarayAsbuucaan oo kusaab sanayd shan qof oo San Deigo ku xiran in la kala saaray,oo gabadh dadkaas ka mid ahayd laga reebay liiska caawinta oo dadkaas lagu caawinayey sidii Qareeno u dooda loogu qaban lahaa. Sh. C/raxmaan Shiikh Cumar ayaa aad u faah faahiyey safaro badan oo uu ku tegay gobolo ka mid ah Maraykanka oo ku saabsan sidii shantaas qof oo gabdhu ku jirto loo saacidi lahaa. Sh.C/raxmaan ayaa ka digay qol (tellaconference-ah) oo ka mid ah meelaha gabdhaha wax looga duubay iyo webka beenta faafiya, ku tilmaamay galidoodu inaysan banaanayn waa sida uu hadlka u dhigaye.
Hoos ka Dhagayso hadalka Sh. C/raxmaan Sh. Cumar oo faah faahsan
[audio:https://halgan.net/Mp3/iskailaalintabeenta.mp3]
Sidoo kale waxaa khudbada tacliiqiyey Sh. C/risaaq Xaashi oo kamid culimmada Masaajidka Abubakar, kana mid ah Culimmadii ku howlanayd dadkan xiran sidii loo saacidi lahaa. Shiikha ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey sida Culimmada iyo Maraakista Majliska hoos yimaada ugu guradeen dadkaas xiran iyo dowrkay ka qaateen. iyo in ay tahay been abuur dadka culimmada magac xumaynaya oo waxaan jirin samaynaya. Ugu danbayntii labada Shiikh ayaa u duceeyey dadka xiran iyo kuwa maxkamadaha ku socdaan oo dhan.
Hoos ka Dhagayso hadalka Sh. Cabdirsaaq Xaashi oo faah faahsan
[audio:https://halgan.net/Mp3/iskahubintabeenabuurka.mp3]
Maamulaha Masaajidka Abuubarkar
As-Saddique Islamic Center
Xassan Dhooye
Archives |
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
10 Comments so far
Leave a comment
Wiilkii miyaa wali culimada Daba socda oo wax la sheegooda wada duf hake baxee ???????????
Salaamu Calaykum
aad baan ugu mahad celinayaa Halgan.net oo u taagan mar walba faafinta manhajka wasadka ah kuwa culumada caayaya iyaga dib naftooda ha u eegaan naftooda
Maasha alaah ilaah ha idinka abaal mariyo diinta aad ugar gaar reysaan hilaah hanoo xifdiyo culumadeena cimrigodana ilaah hadhee reeyo kuwa diin iyo culumada laga kari la yahay haduu hanuun ladoo nay alaah ha hanuuniyo hadii kalana ilaah umada haka qabto
scw.sh clraxmaan iyo markaska ilaahay hadhaawro nimankan yaryar eedhinacyacana waxaan leeyahay dacwadii muslimiinta soomaaliya ayaad burburiseene dacwada gaalada iyo muslimka qaxay lagaadhsiinayo miyaad usoo dhigahay ateen waxaan leeyadaahay mashruucyada sahyuuniyada qaaybkamida ayaad fulinaaysaan
Ilaah ka cabsada oo culamada hilibkeeda ha layska daayo inta hilibka culumada la culanayo walaahi la’leebaanimayo.Cida hada ku taagan culumada oo footstepkeeda raac raac ilaah ayaa footstepkiisa raac raacaya. Cadaab ayaa u danbeeya iyo duli aduun iyo aakhiro. Ilaah waxaan ka baryeynaa in dadkaa ilaah soo hanuuniyo hadii uu hanuun la’maaagay. Intaas ayaan oran la’haa.
Ascwrwb…
marka hore waxan fican in wax la hubsado oo xaqiqda la fahmo iyado labada dhinacba la dhageysanayo oo eexashadana la iska ilaaliyo. iyado Alle laga baqayo, wa ina cadaalada an laga tagin waxa ad shegaysidna ka run sheegti li ana sheykh fulaan iyo fulaan akhiro qabri kulama galayan. naceybka ad qof uhaysidna yaan diinta loga bixin, adigon ogayn…Alle halaga cabsado oo cadalad hala falo. wa bilaahi tawfiq
wsalaam
Maashaa Allaah, waa gabay oo waa wax sheeg , oo waa digniin,,, oo waanasteexo,,,waa hadii uu jiro qof wax ku qaadan haya,,,ilaahay aan kacabsano oo xumaanta halaga xishoodo,,,,walaasheena ilaahay haka ajri siiyo,,jazaakalaahu khayran,,,, abdifataax
maansha’alaah Haliima gabaygaan runta ayuu ka hadlayaaa waadna abaartay xaqiiqada
gabaygaasi wuxuu kusocdaa nimanka caadeystey inay culumada hilibkooda cunaan oo beenta ka faafiyaan
Nimankii durey iyo dureey diinta laga gaarey
Kutubtii ay duubeen ragii dunida ay deeqday
Nimankii kadoorbiday aduun diinta fidinteeda
Dar ilaahey nimankaa socdee dunida meeraaya
Wiilyohow dulminayaa magaran dawga aad marine
Hadba dalandalkaygii horaan dib uxasuustaaye
Diinli ida meeshaanku koray waa damqanayaaye
Tawxiidka anigoo kadedan oo digriga qaada
Oo dirica dumarkii xirteen dulicu uumuuqdo
Nimankii daboolee gabdhaha diinta ugu yeeray
Wiilyohow duminayaa magaran dowga aad marine
Culumada ladaandaansadee duubka laga xooro
Doqonyohow kajoog duul horaa loogu dowgalaye
Daqdaq dada badanbaa ibliis kuu durbaan tumaye
Dagaalkii ilaahey waryaan lagugu daaduumin
Dadka kale hajoogeen inaad daba istaagtaaye
Culimada waxaa kugu diree aad u degiweydey
Waa daqay wareen kugu dhacoon daawo looheline
Jahli nimuu kudaahoo hadana duudka kaciroobey
Degdeg kama xishoodiyo inuu dacar walaaqdaaye
Dadku waydagaalaan hadana dib uheshiiyaane
Dow iyo xad baajira ninyohow aan ladaakhiline
Dariiqyada marbaa laga durkaa meesha aa degine
Dabka shidan hadii aadan damin waa ku dagantaaye
Culimada ladoondoonto waa lagu duloobaaye
Dabuubtaada iyo hadalka waa la isla doontaaye
Durba lama yiraahdoo hadhow diiqalyaad geline
Malaa igo ladoortaajiroon daalin weligoode
Buugii lagaa daabacaa duudka kaasurane
Danbaskiyo habaaskaad fadhido duul horaa maraye
Dowdow cidlaa lama ordoo waad ku dagantaaye
Daabaca war beenihi dhaqsuu kula dekaamaaye
Adoon darajo dheer gaarin baad daal lasoo dhicine
Waxaa taa kadaran deynta aan lagugu deyneyne
Dadkaad caydayoo idil dacway soodalbanayaane
Camalkaad ku daashaa markaas loodaldalayaaye
Deeqinamayoo waa wax aan lagugu deyneyne
Adigoo fiqiirnimo darted dalagsanoo liita
Daalaadhacaagana indhaha daamur lagu saaray
Jahanama dugaalkeedi bay derini kuutaale
Waa meel ninkii daano galay lagu danbaysiine
Duli iyo cadaab heedhe waa laga ducaystaaye
Laguna deyn mayo malagu waa soo degdegayaaye
Duufaan halaagiyo intaan dooni lagu saarin
Naxashkii daboolaa intaan lagugu duuduubin
Dib unoqo ilaah toobad buu kaa dalbanayaaye