Koontaroolka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo oo ay Puntland la wareegtay
October 14, 2011 - Written byGaalkacyo:-Maamulka Gobolka Mudug ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay kontaroolka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo ka dib markii ay ciidanka Puntland iyo maleeshiyo beeleed ku dagaalameen xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo waloow ay isimada iyo waxgaradka Daarood ay soo afjareen.manaasabad balaaran oo ka dhacday koontaroolka koonfureed ee magalada Gaalkacyo ayaa mamulka Gobolka Mudug lagu wareejiyay xarunta koontaroolka waxaana xaflada ka soo qeyb galay Masuuliin ka kala socda DFKM iyo Puntland waxaan sidoo kale goobta ka maqneyn culuma,udiin iyo waxgarad ka soo jeeda beesha Leelkase.
Wareejinta kontaroolka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo ay qaadeen Isimida iyo Waxagaradka Beesha Leelkase ayaa waxay dhabar jab weyn ku noqon doontaa Siyaasiyiin iyo kooxo diidan nabada iyo horumarka gobalka Mudug rabayna in ay ka faa,iideystaan khilaafka beesha iyo ciidanka Puntland.
Odayaasha iyo waxgaradka beesha Leelkase ayaa sheegay in wareejinta kontaroolka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo uu qayb ka yahay heshiis toban qodob ka koobnaa oo ay dhowaan soo saareen Isimada Daarood oo ay wada qaateen Beesha Leelkase iyo Maamulka Puntland.
Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Mudug Cabdirashiid Cadceed Geelle (Dhaylo’aad) iyo taliyaha cusub ee ciidanka daraawiishta ee gobolka Mudug ayaa maanta goobjoog ka ahaa xaflada waxaana ay ugu baaqeen beelaha walaalaha ee degan Mudug in ay ku fara adeygaan nabadooda.
Gudoomiye xigeenka koowaad ee gobolka Mudug ahna ku simaha Guddoomiyaha gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dhibaatadii ka dhacay magaalada Gaalkacyo .
Gudoomiye xigeenka Labaad ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur-Yare ayaa isna sheegey in ciidanka Puntland qeybahooda kala duwan lagu daray 22-Askari oo ka mid aha beesha leelkase ee ku sugnaa kontaroolka Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo si loo fuliyo heshiiskii ay wada gaareen beesha Leelkase iyo Maamulka Puntland.
Maxamed M Deeq
Halgan.net