Madaxweynaha DFKM oo booqday Degmada Dayniile kana hadlay faragalinta Kenya
October 24, 2011 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha DFKM Sh. Shariif Sheekh Axmed oo maanta waxaa uu socdaal ku tagay qeybo ka mid ah Degmada Dayniile halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada DFKM iyo kuwa Burundi.
Madaxweynaha DFKM ayaa waxaa kormeerkiisa ku weheliyey Abaan duulaha Ciidammada DFKM General C/kariin Yuusuf Dhegabadan wuxuuna warbixin kooban siiyey madaxweynaha wuxuuna sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalka ay la galeen ciidamada Al-Shabaab .
Madaxweyne Sh. Shariif Sheekh Axmed ayaa kadib markii uu warbixintaasi dhageystay abaanduulaha ciidanka DFKM wuxuu shir jaraa,id ku qabtay Degmada Dayniile waxaana uu ka hadlay qorshaha DFKM ee sugida amaanka caasimada iyo soo gali taanka ciidanka dalka Kenya xuduuda dalka Soomaaliya waxaana sheegay in Madax banaanida Soomaaliya la ilaaliyo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowlada iyo shacabka aysan raali ka ahayn soo galitaanka ciidamada dalka Kenya balse loo baahan yahay in ay Kenya gacan ay siiso ciidanka DFKM ee dagaalka ka wada goballada ay xadka la wadaagto Kenya.
A/Cawale
Halgan.net