Madaxweynaha DFKM Sh.Shariif oo ku qaabilay xafiiskiisa wafdi ka socday dalka South Africa
October 12, 2011 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sh. Axmed ayaa maanta ku qaabilay Villa Soomaaliya wafdi ka socda dalka Koonfur Afrika oo uu horkacayo ergayga madaxweynaha dalkaas u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya,oo lagu magacaabo Jarles Ukakura.
Wafdiga uu hogaaminayo Jarles Ukakura iyo madaxweynaha DFKM Shariif Sh Axmed ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal ka dhexeeya iyo dhibaatada lagu hayo jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika .
Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa dhibaato xoogan oo isigu jira dhac iyo dil bareer ah ku haya kooxo burcad ah waxaana lagu dilay wadanka Koonfur Afrika Soomaali aad u tiro badan su,aasha is weydiinta leh ayaa ah DFKM iyo madaxdeeda wax ma qaban doonaan dilka joogtada ee lagu hayo Soomaalida qoxootiga ku ah Koonfur Afrika .
A/Cawaale
Halgan.net