Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif oo u dhoofay dalka Turkiga

October 19, 2011 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Sh Shariif iyo wafdi la socda ayaa maanta ka dhoofay garooonka Aadan cadde Magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda dalka Turkiga,Madaxweynaha DFKM Shiikh. Shariif ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya wasiirka garsoorka iyo cadaaladda, Xuseen Carab Xiise, Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga, Xuseen Carab Ciise, Wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah, C/llaahi Goodax Barre iyo xubno ka tirsan 2 gol ee DFKM.

Wasiirka garsoorka iyo cadaaladda, Xuseen Carab oo saxaafada uga waramay safarka ay ku tegayaan dalka Turkiga ayaa waxaa uu sheegay in safarkooda u jeedadiisu ay tahay siddii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya DFKM iyo dowllada Turkiga oo  gacan weyn ka geystay siddii ay gargaar ula soo garai lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu iyo colaadu halakeeyeen.

Madaxweynaha DFKM  Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdigiisa aya waxaa garoonka Aadan Cadde ku sii sogaatiyey guddoomiyaha baarlamaanka DFKM Shariif Xassan Shiikh Aadan, xildhibaanno, wasiirro iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Madaxtooyada Villa Soomnaaliya.

Safarka Madaxweynaha DFKM Sh.Shariif ayaa ahaa mid aan horay loo sii shaacin balse safarka wafdiga Madaxweynaha DFKM ayaa ku soo beegmaya xili colaado iyo dagaalo ka soo cusboonaadeen Gobollada Jubooyinka iyadoo Degaano ka tirsan Gobollada Jubooyinka ay soo galeen ciidanka dalka Kenya iyagoo si cad u sheegay in ay la dagaalami doonaa ururka Al-shabaab oo inta badan gacanta ku haya Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online