Madaxweynaha dowllada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo ka hadlay qaraxii Muqdisho

October 4, 2011 - Written by

Garoowe:-Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh.Maxamuud Faroole ayaa ka hadlay weerarkii qarax ahaa ee lala bartilmaamsaday xarunta wasaarada hargaha iyo saamaha isagoo qaraxaas kuwii fuliyey ku tilmaamay kuwa wax ma garato ah. Madaxwaynaha dowllada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo la hadlay Idaacadda BBC-da ayaa waxaa uu tacsi u diray Eheladii ay dadkooda ku dhinteen qaraxa, Madaxda DFKM iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed isagoo alle uga baryey dadkii qaraxaas ku dhintay in alle caafiyo kuwii ku dhaawacmayn uu alle u booga dhayo.

 Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku tilmaamay qaraxa ka dhacay Muqdisho in uu yahay weerar lagu soo qaaday qaranimadii Soomaaliyeed iyo aqoonta isagoo la mid dhigay qarax ka dhacay maanta Muqdisho kii ka dhacay sanado ka hore Hotel Shaamow ee magaalada Muqdisho oo lagu xasuuqay arday soo dhamaysay Kuliyada Caafimaadka iyo macalimiintoodii iyo waalidiin iyo wasiiro ka tirsanaa DFKM.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa ugu baaqay umada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntlland in ay ka digtoonaadaan weerarada noocaan oo kale ah isagoo yiri ‘’ Falaartii cirka loogamay cid walbow filo ‘’, weerar kaan waa mid caalami ah sidaas darteed waxaan ugu baaqayaa shacabka Puntlland in ay ka foojig naadaan kuwa doonaya in ay jirtaanka Soomaaliya burburiyaan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online