Madaxweynaha Puntland oo Nairobi kula kulmay Ergeyga Midowga Africa

October 15, 2011 - Written by

Nairobi:-Madaxweynaha DGPL Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo todobaadkii hore dabayaaqadiisii isaga iyo wefdi uu hogaaminayo ay magaalada Garoowe ka dhoofeen ayaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya kula kulmay mas’uuliyiin caalami ah oo ay ku jiraan Ergeyga Ururka midowga Africa u qaabilsan arimaha Soomaaliya Jerry Rawlings iyo Ergeyga gaarka ah ee Gudoomiyaha Uruka AU u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Boubacar Diara magaalada xarunta dalka Kenya ee Nairobi kula kulmay.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxtooyada Puntland ayaa lagu shaaciyey in Madaxweynaha dowllada Puntland kulankii uu Masuuliyiintaas la qaatay uu ahaa mid la iskula soo qaaday arimo dhowr ah oo ay ugu muhiim sanaayeen , Sugidda amniga , Hirgelinta qorshaha Roadmap-ka , iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya dowlada Puntland iyo Ururka midowga Africa.

no images were found

Dhanka kale madaxweynaha dowllada Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa intii uu magaalada Nairobi ku sugnaa la kulmay Ergeyga gaarka ah ee dowlada Maraykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya kaas oo isagana ay kawada hadleen xaalada guud ee dalka Soomaaliya iyo tan gaarka ah ee dhulka ay dowlada Puntland ka arimiso.

Sidoo kale madaxweyne Faroole ayaa la kulmay Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augostine Mahiga , kulankaas oo ay madaxweynaha kala qayb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Puntland oo madaxweynaha Safarkiisa ku weheliya oo ay kamid yihiin Wasiirka dekedaha Siciid Maxamed Raage , Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Cali Yuusuf Xoosh , iyo Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntalnd Maxamed Xasan Barre.

Waxayna ka wada hadleen halka uu marayo qorshaha Roadmap-ka ee la doonayo in Soomaaliya laga hirgeliyo iyo weliba arimo la xiriir dhamaystirka Dastuurka qaybyada ah ee Soomaaliya , iyadoo Madaxweyne Faroolena uu carabka ku adkeeyey inay lagama maarmaan tahay in qoraalka Dastuurka si dhakhsa ah loosoo afjaro taas oo uu ku tilmaamay inay tahay mid Ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay maslaxadi ugu jirto.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo wefdi uu hogaaminayo oo maalintii arbacada ahayd magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya soo gaarey ayaa la filayaa in maalinta beri ah ay u dhoofaan caasimada Ingiriiska ee London halkaas oo uu Madaxweynuhu kaga qayb gelayo shir looga hadlayo arimaha Burcad badeeda Soomaalida  , isagoo sidoo kalena halkaas kulamo kula qaadan doona qaar kamid ah madaxda dalka Ingiriiska iyo Mas’uuliyiin kale oo caalami ah.

Xigasho:  Xafiiska Madaxtooyada Puntland

Halgan.net

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online