Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo wafdi la socda oo ka dhoofay Garoowe
October 12, 2011 - Written byGaroowe:-Wafdi uu horkacayo Madaxweynah Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe , madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntlland Siciid Maxamed Raage , Guddoomiyaha gudiga doorashooyinka Puntland Maxamed Xassan Barre iyo xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Yuusuf Xassan iyo Wasiirudowlaha qorsheynta iyo iskaashiga xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Cabdiqani Cabdi Nuur.
Afhayeenka xukuumada Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax Joore) oo saxaafada uga waramay safarka madaxweynaha ayaa xusay in madaxweynaha Puntlland uu sii mari doono dalka Kenya ka dibna uu uga gudbin doona dalka Ingriiska oo uu uga qayb geli doono shirk u saabsan burcadbadeedka oo ay ka soo qayb geli doonaa dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya
Afhayeenka xukuumada dowllada Puntland Axmed Cumar Xirsi Libaax Joor ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Puntlland uu dalka Ingriiska kula kulmi doono Jaaliyadda Puntlland eek u nool dalka Ingriiska isagoo uga xog warami doona xaalada dhinaca amaanka iyo horumarka ee ka jirta Puntlland.
Dhinac kale waxaa maanta dib ugu soo laabtay magalada Garoowe Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen.Cabdi samad Cali Shire iyo wadi uu hogaaminayey oo maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay dalka Itoobiya , Madaxweyne ku xigeenka Puntlland ayaa noqday ku simaha Madaxweynaha Puntlland sida uu sharciga u degsan Puntlland ku xusan matka uu dalka ka maqan yahay madaxweynaha Puntlland Dr CabdiraxmaanFaroole.
M_M_Deeq
Halgan.net