Madaxweynaha Puntlland iyo wasiir ku xigeenka arimaha dibeda Talyaaniga Alfredo Mantica oo soo gaaray Garoowe
October 26, 2011 - Written byGaroowe, Arbaco, Oktoobar 26, 2011 — Madaxweynaha dowllada Puntland, Dr. C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ka dib safar uu madaxweynaha iyo wafdigiisu ku soo mareen Imaaraatka Carabta, Kenya , iyo dalka Ingriiska. Madaxweynaha dowllada Puntlland ayaa waxaa safarkiisa maanta uu ku soo gaaray Garoowe ku weheliyey wasiir ku xigeenka arimaha dibeda Talyaaniga Alfredo Mantica iyo saraakiil ka tirsan Xafiiskiisa oo ka soo raacay dalka Ingriiska, Madax weynaha dowllada Puntlland ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Garoowe waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Masuuliyiin uu horkacayey Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen Cabdisamad Cali Shire iyo xubno ka tirsan 2-badiisa Gole.
Madaxweynaha Puntlland iyo wasiir ku xigeenka arimaha dibeda Talyaaniga Alfredo Mantica ayaan saxaafada la hadal waxaan ay toos ugu gudbeen xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe. Dhinac kale waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda wafdi uu hogaaminayo wasiirka amniga ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan iyo Abaanduulaha ciidanka daraawiishta ee Puntlland Gen. Siciid dheere ay safar ku tegi doonaa magaalada Muqdisho ee caasimad dalka Soomaaliya.
Ilaa hadda ma cada safarka u jeedadiisa balse waxaa ilo wareedyadu sheegayaan in safarkaan uu salka ku hayo ciidamo AMISOM ah oo la sheegayo in la keenayo degaanada Puntlland Masuuliyiinta Puntlland ayaa dadaal ugu jira sidii ciidamo shisheeyey loo geyn lahaa degaanada Puntlland gaar ahaan Gaalkacyo arrinkaas oo khilaaf ka dhex abuuri doonta madaxda Dowllada Puntlland iyo siyaasiyiin ka soo horjeeda in ciidamo AMISOM ah la keeno Puntlland.
M_M_Deeq
Halgan.net