Madaxweynaha Puntlland iyo wasiir ku xigeenka arimaha dibeda Talyaaniga Alfredo Mantica oo soo gaaray Garoowe

October 26, 2011 - Written by

Garoowe, Arbaco, Oktoobar 26, 2011 — Madaxweynaha dowllada Puntland, Dr. C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ka dib safar uu madaxweynaha iyo wafdigiisu ku soo mareen Imaaraatka Carabta, Kenya , iyo dalka Ingriiska. Madaxweynaha dowllada Puntlland ayaa waxaa safarkiisa maanta uu ku soo gaaray Garoowe ku weheliyey wasiir ku xigeenka arimaha dibeda Talyaaniga Alfredo Mantica  iyo saraakiil ka tirsan Xafiiskiisa oo ka soo raacay dalka Ingriiska, Madax weynaha dowllada Puntlland ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Garoowe waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Masuuliyiin uu horkacayey Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen Cabdisamad Cali Shire iyo xubno ka tirsan 2-badiisa Gole.

Madaxweynaha Puntlland iyo wasiir ku xigeenka arimaha dibeda Talyaaniga Alfredo Mantica ayaan saxaafada la hadal waxaan ay toos ugu gudbeen xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe. Dhinac kale waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda wafdi uu hogaaminayo wasiirka amniga ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan iyo Abaanduulaha ciidanka daraawiishta ee Puntlland Gen. Siciid dheere ay safar ku tegi doonaa magaalada Muqdisho ee caasimad dalka Soomaaliya.

Ilaa hadda ma cada safarka u jeedadiisa balse waxaa ilo wareedyadu sheegayaan in safarkaan uu salka ku hayo ciidamo AMISOM ah oo la sheegayo in la keenayo degaanada Puntlland Masuuliyiinta Puntlland ayaa dadaal ugu jira sidii ciidamo shisheeyey loo geyn lahaa degaanada Puntlland gaar ahaan Gaalkacyo arrinkaas oo khilaaf ka dhex abuuri doonta madaxda Dowllada Puntlland iyo siyaasiyiin ka soo horjeeda in ciidamo AMISOM ah la keeno Puntlland.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online