Qarax xalay lala beegsaday nightclub ku yaal magaalada Nairobi.(Daawo Video)

October 24, 2011 - Written by

Nairobi:-Waxaa xalay ka dhacay  magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya qarax , qaraxaas oo ka dhacay goob nightclub ah oo ay ku caweynayeen dad aad u tiro badan waxaana  lagu tuuray Bam gacmeed sida ay soo tabiyeen wakaaladaha wararka caalamka.

Ciidanka Booliska iyo kuwa sirdoonka ee dalka Kenya oo isla markiiba soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay xalay ayaa sheegay in qarax ay ku dhaawacmeen ilaa 14 qof waxaana loo qaaday isbitaal ka weyn ee magaalada Nairobi. Afhayeen u hadlay ciidanka Booliska ee dalka Kenya oo lagu magacaabo Eric Mugambi ayaa u xaqiijiyey wakalaada wararka ee AFP in qaraxu uu ka dhacay nightclub ku yaal Nairobi oo lagu magacaabo Mugambi.

 

Hoos Ka Daawo Videogan ku tusaya goobta qaraxu ka dhacay

Sarkaal sare oo ka tirsan safaarada dalka Mareykanka ee ku taal dalka Kenya ayaa saaka uga digay madaxda dalka Kenya in qaraxyo ay ka dhici karaan magaalada Nairobi waxaana caawa aad loo adkeeyey amaanka magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya.

Masuuliinta Ururka Al-Shabaab ayaa waxay balan ku qaadeen in ay jawaab ka bixin doonaan duulaanka qaawan ay ciidamada dalka Kenya ku soo qaadeen gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan gobalka J/hoose.

Ilaa haatan lama yaqaan cida Bamka ku tuurtay nightclub ku yaal magaalada Nairobi waxaana wili soo baxaya warar kala duwan kuwaas oo aad isku khilaafsan.

Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya ayaa caawa aad u cabsi qaba iyaga oo ka baqaya in ay ciidamada dalka Kenya ku qamaamaan xaafada Islii oo ay aad u degan yihiin Soomaalida.

C/Casiis Maxamed
Nairobi,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online