Ra.iisul wasaaraha DFKM Prof. Cabdiweli Gaas oo u dhoofay dalka Kenya
October 30, 2011 - Written byNairobi, Axad, Oktoobar 30, 2011 — Ra.iisul wasaaraha DFKM Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya si uu kulamo ula qaato Madaxda dowllada Kenya Ra.iisul wasaaraha DFKM Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Ra.iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka difaaca DFKM Xuseen Carab Ciise, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samada Macallim Maxamuud, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha C/wahaab Ugaas Xuseen, iyo taliyaha ciidanka DFKM S/Guuto C/qaadir Sh Cali Diini iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra.iisul wasaaraha.
Ra.iisul wasaaraha DFKM Prof C/weli Maxamed Cali Gaas oo saxaafada kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in safarkodu uu ku saabsan yahay sidii dowllada Kenya iyo DFKM ay iskaga kaashan lahaayeen xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo mid milateriba si 2-badda ay uga foojignaadaan khataraha ku imaankara amaankood.
Safarka Ra.iisul wasaaraha DFKM Prof C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigiisa ayaa ku soo beegmay xili diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ay duqeeyeen degmada Jilib iyo Kudhaa iyadoo duqeyntaas khasaaro dhimasho iyo dhaawacba ay geysatay.
A/cawaale
Halgan.net