Ra.iisul wasaaraha Kenya Rayla Odinga Ciidankeena ayaa weeraray Kismaayo

October 24, 2011 - Written by

Nairobi:-Ra.iisul wasaaraha dowladda  Kenya Rayla Odinga ayaa markii ugu horaysay waxaa uu saxaafada dalka Kenya iyo wakaaladaha wararka ee caalamiga uu u sheegay in weerarkii gardarada ahaa ee shalay lagu qaaday magaalada Kismaayo ay fuliyeen diyaarado laga leeyahay dalka Kenya.

Ra.iisul wasaaraha dowladda  Kenya Rayla Odinga ayaa ku dooday in weerarka cirka ahaa ee ay qaadeen ciidanka cirka ee dalka Kenya ay la beegsadeen saldhiyo ay ku sugnaayeen ciidanka Al-shabaab oo ku yaal magaalada Kismaayo khasaarana ay u geysteen, Masuul Sare oo u hadlay maamulka magaalada Kismaayo ee ururka Al-shabaab ayaa beeniyey in wax saldhigyo ah ama baro ciidan ah ay weerareen diyaaradaha dalka Kenya waxaan uu sheegay in goob u jirta 1 Km dekkada Kismaayo ay Bam fulaynimo ah ku tuureen wax khasaaro ahna uusan geysan.

Ra.iisul wasaaraha dowladda  Kenya Rayla Odinga ayaa sheegay in weerarkii gardarada ahaa ee ay ciidanka Kenya ay ku qaadeen gudaha Soomaaliya gaar haan Kismaayo ay gacan ka siiyeen ciidamo reer Galbeed ah oo uusan xusin , Ra’iisul wasaaraha dowladda  Kenya Rayla Odinga ayaa sheegay in ay sii wadi doonaa weerarka iyo dagaalka ka dhan ah ururka Al-shabaab isagoo sheegay in ay khatar ku yihiin Geeska Afrika gaar ahaa dalka Kenya.

Dhinac kale Saraakiil u hadlay Ciidanka cirka ee dalka Kenya  ayaa sheegay in weerarkii ay qaadeen ciidanka cirka ee dalka Kenya ay khasaaro gaarsiiyeen ciidanka Al-shabaab ayna burburiyeen saldhigyo ku yaal Gobollada Jubooyinka gaar ahaan Kismaayo.

 Dowllada Kenya ayaa si cad u sheegtay in ay weerar iyo dagaal ku qabsanayso  gobollada Jubooyinka iyo weliba Gedo iyagoo ku doodaya in ay weerarayaan ciidanka Al-shabaab oo gacanta ku haya Gobolladaas. Masuuliyiinta DFKM ayaan ilaa hadda si cad uga hadal duuleenka dowllada Kenya iyagoo dhowr jeer oo hore ay beeniyeen in dowllada dalka Kenya ay ku soo duushay Soomaaliya. 

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online